Sedex filim oo siyaasada Hindiya saameyn ku yeelan karaan ayaa bishan Janaayo 2019 la daawan doonaa (+Video)

Sanadkan 2019 durba hadal heyn xoogan ayaa ka dhex jirto Bollywood-ka madaama siweyn saameyn ula imaadeen sedex filim oo fariin waaqici ah xambaarsan lana daawan doono bishan Janaayo gudaheeda weliba waxay saameyn ku yeelan doonaan mowjada siyaasada Hindiya halka ay xiligaan u socoto ayadoo sanadkan gudihiisa doorasho qaran ka dhici doonto.

Haddaba inta aan la gaarin doorashada weyn ee Hindiya taasi oo dhici doono April dhamaadkeeda ilaa May 2019 waxaa soo bixi doonaan sedex filim oo xisbiyada siyaasada Hindiya iyo shacabka wax dooranayaan saameyn ku yeelan karaan haddii fariimahooda noqdaan kuwo siweyn dadka usoo jiitaan.

Sedexda filim ee qof walbo doonayo inuu daawado fariin ahaana iska hubiyo waxa ay xambaarsan yihiin waxay kala yihiin Uri: The Surgical Strike, The Accidental Prime Minister iyo Thackeray waxayna ka siman yihiin bishan Janaayo gudaheeda in la daawan doono.

Filimka The Accidental Prime Minister wuxuu ku saleesan yahay sheeko ahaan buuga lagu magacaabo The Accidental Prime Minister: The Making And Unmaking Of Manmohan Singh kaasi oo ay qortay Sanjaya Baru loogana hadlaayo noloshii Ra’iisul Wasaarihii 13-aad ee Hindiya soo maray Manmohan Singh.

Filimkan waxaa looga hadlaa in Ra’iisul Wasaarihii hore Manmohan Singh xukumadiisa maamul ahaan ay la fara galin jirtay gabadha siyaasiga awooda badan ah Sonia Gandhi waa Madaxweynihii hore Hindiya sidoo kalena xisbiga Indian National Congress (INC) maamusho.

Taageerayaasha xisbiga Indian National Congress (INC) iyo siyaasiyiinta xisbigan ka tirsan waxay ku doodayaan in filimkan lagu soo aadiyay daawashadiisa xili qaldan oo la rabo sharafka xisbiga INC in meel looga dhaco si doorashada kuraas badan aysan u helin.

Filimka The Accidental Prime Minister waxaa hogaamiyaal ka ah Anupam Kher iyo Akshaye Khanna waxaana la daawan doonaa 11-ka bishan Janaayo. Fadlan hoos ka daawo goos gooskiisa filimkan saameynta adag la yimid:

Filimka Uri: The Surgical Strike waxaa hogaamiyaal ka ah Vicky Kaushal iyo Paresh Rawal waxaana looga hadlaa weerarkii is miidaaminta ahaa ee lagu qaaday xerada Uri ee ciidamada Hindiya ku leeyahay Kashmir sanadii 2016 waxaana la daawanayaa filimkan 11-ka bishan Janaayo 2019.

Filimka Uri waxaa la sheegay in xisbiga haatan talada Hindiya haayo BJP inay maal galiyeen sidoo kalena uu yahay barabagaando ay isku buun buuniyaan laguna soo bandhigaayo sida dowlada ula dagaasho Pakistan siyaasad ahaan iyo fal celin dagaal mararka qaar loo baahdo weliba Paresh Rawal oo xil dhibaan qaran ah kana tirsan xisbiga BJP ayaa filimkan door muhiim ah ku leh waxaana la rabaa in shacabka kalsooni looga raadsado ka hor inta aan doorashada la gaarin.

Filimka Uri goos gooskiisa hoos ka daawo iyo qaabka loo dhigay fariinta filimkan oo daawashadiisa 9-maalmood ka harsan jadwal ahaan:

Ugu dambeyntii filimka Thackeray waxaa looga hadlaa nolosha siyaasiga awooda badnaa ee geeriyooday Bal Thackeray waxaana doorkan matalaayo Nawazuddin Siddiqui ayadoo filimkan la daawan doono 25-ka ishan Janaayo.

Xisbiga Shiv Sena ee Thackeray aas aasay ayaa siweyn usoo dhaweeyeen fariinta filimkan sidoo kalena xisbigan midigta fog ee xag jirka ah awoodna ku leh gobolka Maharashtra ee xarun tahay Mumbai waxay wacad ku mareen in filim kale gobolkan la saari doonin oo dadka reer Maharashtra filimka Thackeray kaliya daawan doonaan si loo ogaado wax qabadkiisa halka uu la ekaa.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Thackeray ee sida weyn Nawazuddin Siddiqui loogu amaanay weliba goos gooskan saameyn adag ayuu la yimid:

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.