Shabakada BOI Oo Ku Dhaw Inay Ku Dhawaaqdo In Filimka Simmba Super Hit Yahay Ka Dib Ganacsigiisa Waalida Maanta Oo Isniin Ah Uu Sameeyay Aawged!!

ranveer singh ayaa lasoo baxay awood aan la qarin karin madaama uu xoog ku qabsaday shabakada boxx officka taaso la yaaban ganacsiga uu filimkan sameenaayo waxaana muuqata in dadka ay si weyn kaga helayn sheekada iyo madadaalada filimkan

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa ku dhow inay xaqiijiso in filimka simmba SUPER HIT yahay madaama ganacsi weyn uu sameeyay maanta oo isniin ah iyadoo subaxan uu ku furmay si wacan kaaso la mid ah Simmba ayaa maanta oo Isniin ah ku furmay 30% ilaa 31% waana bilaabasho wacan oo ka ag dhow sidii u ku furmay Jimcaddii ama maalintiisii kowaad ee uu tiyaatarada ku cusbaa

iyadoo berito ay ku beegan tahay maalinta sanadka cusub sidaas darteed waxaana Warbixinada qaar ay sheegayaan in Simmba weli qiimaha tikit-kiisa lagu iibsanayo uu sareeyo waana arin u wanaagsan filimkan oo ganacsigiisa hubaal ahaan ka caawin doono inuu sameeyo ganacsi weyn maanta oo Isniin ah marka laga cabir qaato sida uu ku furmay iyo qiimaha tikit-kiiisa oo weli sareeyo.

waxaa Simmba sii caawin doonto maanta gelinka dambe in dadka fasax heli doonaan si ay sanadka cusub isugu diyaariyaan taaso filimka ka caawinaysa inuu maanta sameeyo ganacsi u dhaxeeya 18-20 Crore

waxa ayna midaas ka dhigan tahay inuu simmba soo xareen-doono lacago gaaraya 94 crore iyadoo weli ay usii dhiman tahay fasaxii weynaa ee sanadka cusub kaaso ku beegan berito oo talaado ah

ganacsiga uu filimkan uu sameeyo maalinta Arbacada waxa ay xaqiijin doonta inuu filimkan uu yahay super hit waanaa marka uu soo xareeyo lacago u dhaxeeya 115- 120 crore waana haddii mashruucan ku dhicin mucjiso simmba waa inuu ka faa’ideysto maalinta berito ah taaso ku beegan fasaxa weyn ee sanadka cusub 2019