Home BOX OFFICE Shabakada BOI oo soo daabacday in filimka Super 30 HIT weyn noqonaayo...

Shabakada BOI oo soo daabacday in filimka Super 30 HIT weyn noqonaayo ganacsigiisii Sabtiga qiyaas ahaan

 

Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa sare u kac waali ah sameeyay shalay oo Sabti ahayd wuxuuna sare u kacay 50% ilaa 55% waxaana muuqato inuu keeni doono 17 Crore ilaa 18 Crore sidoo kalena mudo labo maalmood ah mashruucan 29 Crore ayuu soo xareeyay waana arin aad u wanaagsan.




Super 30 shalay oo Sabti ahayd wuxuu sare u kac ka sameeyay min tuulo ilaa magaalo waxaana cadaatay filimkan inu HIT weyn noqonaayo madaama ganacsigiisa magaalooyinka waa weyn kaliya ku xeen daabneyn oo haatan 15 ilaa 20-ka magaalo Hindiya ugu weyn ka gadmaayo halka markii hore uu u ekaa filim 5 ilaa 8 magaalo ka gadmi doono.

Awooda Hrithik Roshan siweyn ayay u shaqeesay waayo filimada fariimaha waaqiciga ah xambaarsna ee aan wax mada daalo ah laheyn inta badan magaalooyinka waa weyn kaliya ayay ka gadmaan waxaana muqato in Superstar-kan dadka ku qasbay fariintan waaqiciga ah inay usoo daawasho tagaan waxaana wanaagsan Hrithik inu badayo sameynta aflaanta oo uu sanad walbo labo filim la imaado taasi oo sabab u noqon laheyn awoodiisa si sax ah inuu kaga faa’iideesto marba haddii filim waaqici ah uu dadka ku qasbaayo dartiis inay ugu soo daawasho tagaan min tuulo ilaa magaalo.

Waa hubaal maanta oo Axad ah markale ganacsi aad u weyn inuu sameyn doono filimka Super 30 kadib waxaa laga rabaa Isniin ilaa Khamiis inuu si dabiici ah isku celiyo wuxuuna markaas noqon doonaa HIT weyn oo fanka kusoo kordhay waqtigii loo baahnaa.

Is bar bar dhig lagu sameeyay filimka Super 30 shalay oo Sabti ahayd iyo Jimcadii ganacsigiisa tiyaatarada Multiplex hoos ka eeg adigaaba yaabi doono sida uu sare u kac waali ah u sameeyay waxaana lasoo qaatay sida Multiplex Hindiya ugu waa weyn oo mid walbo 100 shaashad ka badan ku taalo:




PVR: 2.65 cr (Jimco) vs 3.91 cr (Sabti)

INOX: 1.98 cr (Jimco) vs 3.20 cr (Sabti)

Cinepolis: 1.22 cr (Jimco) vs 2.61 cr (Sabti)

Fadlan hoos ka eeg filimka Super 30 iyo magaalooyinka waa weyn shalayoo Sabti ah sida uu kaga furmay subaxdii hore, duhurkii/galab iyo fiidkii iyo habeenkii ayadoo ay muuqato in HR filimkiisa sare u kac waali ah shalay sameeyay waqtiyo kala duwan:

Delhi subaxdii hore 35%, duhur/galab 70%, fiidkii 80%, habeen 85% (864 shaashad)

Mumbai subaxdii hore 30%, duhur/galab 65%, fiidkii 75%, habeen 85% (937 shaashad)

Pune subaxdii hore 35%, duhur/galab 70%, fiidkii 80%, habeen 85% (340 shaashad)

Bengaluru subaxdii hore 40%, duhur/galab 80%, fiidkii 90%, habeen 90% (320 shaashad)

Hyderabad subaxdii hore 60%, duhur/galab 90%, fiidkii 95%, habeen 95% (230 shaashad)

Kolkata subaxdii hore 25%, duhur/galab 50%, fiidkii 60%, habeen 65% (280 shaashad)

Ahmedabad subaxdii hore 25%, duhur/galab 35%, fiidkii 45%, habeen 85% (310 shaashad)

Chennai subaxdii hore 30%, duhur/galab 50%, fiidkii 70%, habeen 80% (80 shaashad)

F:G: Lacagaha filimka Super 30 keenay shalay oo sabti ahayd weli si rasmi ah looma soo bandhigin waan idinla wadaageynaa insha Allah marka shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacdo.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...