Shabakada Boxoffice India (BOI) oo ku tilmaantay filimka Kesari subaxaan si wanaagsan ku furmay

Waxaan horey idin kula wadaagnay Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari subaxdii hore xiliga Hindiya sida uu ku furmay haatana shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa warbixin kasoo qortay Kumar filimkiisa qaabka uu ku furmay, qoraalka BOI filimkan ka sameesay fadlan hoos kaga bogo:

Kesari wuxuu ku furmay si wanaagsan (Good Opening) subaxdii hore xiliga Hindiya inkastoo la xadiday tiyaatarada la saaray madaama subaxan feestada Holi dadka ku mashquulsan yihiin tiyaatarada oo idil albaabada looma wada furin si gaar ah Waqooyiga Hindiya hal ama labo show oo tiyaatarad Single Screens ah ayaa subaxdii hore lagu bilaabay.

Balse si caadi ah ayaa loo saaray magaalooyinka Ahmedabad iyo Hyderabad madaama halkaas siweyn feestada Holi saameyn ugu laheyn dadka ku nool oo Muslimiin u badan taasina waxay ka caawisay inuu si wanaagsan halkaas kaga bilaawdo filimka Kesari.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Sida caadiga ah gobolada ama meelaha feestada Holi siweyn kaga jirin si wanaagsan ayuu filimka Kesari kaga furmay waxaana la rajeynaa laga bilaabo 2:00 pm xiliga Hindiya in dhamaan tiyaatarada gobolada Hindiya albaabada loo furo markaasna dadka kusoo qul qulaan daawashada filimka Kesari sare u kac xoogana sameyn doono.

Sida guud subaxdii hore xiliga Hindiya Kesari wuxuu ku furmay 20% waana bilaabasho wanaagsan marka loo fiiriyo tiyaataro xadidan in laga daawanayo sidoo kalena dadka badankooda feestada Holi ku mashquulsan yihiin.

Si kastaba xaalka ha ahaado waxay shabakada BOI aaminsan tahay in filimka Kesari noqon doono sanadkan 2019 midka ugu bilaabashada wanaagsan maalinta kowaad madaama fasaxa gobolada Hindiya ka jiro filimkan siweyn kaga faa’iideesan doono laga bilaabo xiliga duhurka ilaa caawo fiidkii.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.