Shah Rukh Khan Waa Atooraha Kaliya Ee India Kasoo Jeeda Oo La Gudoonsiiyay 3 Shahaado Sharaf Dhaqtarnimo Ah King Khan Iskoor Taariikhi Ah Ayuu Dhigay!!

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan 5 bishaan April waaxaa la gudoon siiyay shahaado sharaf dhaqtarnimo ah xili uu ku sugnaa magaalada London waxaana gudoonsiisay jamaacada University of Law.

Khan ayaa lagu doonsiiyay shahaado sharaf caan ah si uu kaga mid noqdo jaamacadan tixraac ahaan iyo inuu galo liiska shaqsiyaadka ay horey u gudoonsiisay shahaadadan hadaba ma ahan markii ugu horeysay SRK shahaadadan la gudoonsiiyo 2 jeer oo hore ayaa jirto.

Sanadkii 2015 University of Edinburgh ayaa xidigaan gudoonsiisay shahaadadan sido kalena sanadkii 2009 university of Bedfordshire ayaa markii ugu horeysay gudoonsiisay shahaadadan taasi oo ka dhigan inuu tiro 3 jeer ah ku guulestay.

Khan waa atooraha kaliya India kasoo jeeda ee tiro 3 jeer ah ku guuleestay abaal marintaan waana guul uu ku faani doono in badan jilaagan iyo iskoor u gaar ah waxayna marqaati ka tahay tani sida daafaha caalamka SRK looga jecel yahay.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

1 Comment

  1. Lkn jamacadaha wadankay ka diiwangashanyhin in aan garan wayno dhici karta somahan jamacad magaceda waxa kasi fcn meshay ku taalo adinko raaciya

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*