Shahid Kapoor, Arjun Kapoor Iyo Ranver Singh Wajiga Maxay U Qarsadeen Waa Iyaga Afka Duubtee (+Sawiro)

Waxaa la arkay xiliyo kala duwan qaar kamid ah jilayaasha Bollywoodka oo wajiga qarsadeen marana ku duubteen xidigahaas oo kala ah Ranver Singh, Shahid Kapoor iyo Arjun Kapoor.

Mid walba sabab gaar ah ayuu wajigiisa u qarsaday qaarkood sanadkii hore ayee ahaayen balse waa maqaal looga hadlaayo xidigahan sedex jeer kala duwan oo oo midwalba wajigiisa dad weynaha ka qarsaday.

Marka kowaad waxaa sheekadan bilaaway Shahid Kapoor isagoo wajiga safaleeti ama maro ku duubtay xili uu duubayey filmkiisa Batii Gul Meter Chalu sanadkii hore waxuuna diidana in wajiga uu ku jilaayo mashruucan la ogaado.

Marka xigta waa Arjun Kapoor oo wajigiisa qarsaday isagana ila aindhihiisa kaliya muuqanayeen waxuuna arinkaan u sameeyay inuu qariyo doorkisa filmka Panipat.

Ugu dambeyn dhowaan ama maalmo kahor waxaa la arkay Ranver Singh oo xili habeen magaalka Mumbai kudhex sugan misane wajiga soo dabooshtay waxuuna u socday tiyaatarka si uu film oga soo daawado.

Singh ula jeedo mashruucisa xiga ah uma uusan qarsan wajigiisa balse in uu taageerayaashisa iska qariyo aawged si buuq la’aana tiyaatarka film ugu soo daawado ayuu arinkan u sameeyay maadama uu dhowaan guursaday atirishada Deepika bisha malabkana ka imaadeen.