Shahid Kapoor”Wali Ma Daawan Filmkeyga Chup Chup Ke Dadkana Midaas Ma Rumeysan Doonan”

Chup Chup Ke waa mid kamid ah filmada Bollywoodka ugu shactirada badan ee qarnigaan cusub sameyeen waxaana hogaamiye ka ah jilagaa caanka ah Shahid Kapoor kaasp dhagool ku jilaayo.

Waxaa la daawaday sanadkii 2006 waxaana wada jileen Shahid Kapoor, Kareena Kapoor, Neha Dhupia, Paresh Rawal, Om Puri, Rajpal Yadav iyo kuwa kale oo badan darajo ahaana Average ayuu ka noqday Box-office-ka.

Hadaba Shahid ayaa ka dhawaajiyay in uusan wali daawanin mashruucan xiisahaleh ee daawashadiisa 12 sano kasoo wareegtay waana arin layaab ku noqotay saxaafadii wareysiga ka qaadesay xidigaan.

Markii saxaafada wareysaneysa jilaagan waxay weeydiyeen filmada uu ugu jecelyahay aflaamtisa intii uu sameeyay wareysigana waxaa laga qaaday intii uu Batti Gul Meter Chalu xayeysiinaayey waxuuna yiri Shahid oo jawaabaya.

“Aniga sedex film ayaan bandhig ahaan ugu jeclahay aflaamteyda marwalbana inaan ka sheekeyo jeclahay waxayna kala yihiin Haider, Kaaminey iyo Udta Punjab waa sedexda mashruuc aan ka helo filmadeyda.”

“Balse dadka waxay aad u jecelyihiin Jab We Met iyo Chup Chup Ke yaa usheega dadkaas in aan wali xitaa daawanin Chup Chup Ke marar ayaan wax yar ka daawaday balse wali mudo 12 sano ah Chup Chup Ke intaan fariistay daawashadiisa ma dhameesan sababto ah uma badni daawashada aflaamteyda.”