shan xaqiiqo oo kaa yaabin doonto (macluumaad yaab leh).

Aduunkaan aan ku noolnahay maalin kasta waxaa laga diiwaan galiyaa xaqiiqooyin aan caadi aheyn qaarkoodna aad kaftan u maleyneyso.

Hadaba waxaan isku howlnay inaan qaar kamid ah xaqiiqooyinkaas idiin soo gudbino kuwaasoo qaarkood aad afka la qabsan doonto.

Hadaba halkaan hoose kaga boxo.

Xaqiiqda koowaad; tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka Milatariga mareykanka ayaa la sheegay iney ka dhumeen ugu yaraan 9 gantaal oo kuwa nugleerka ah.

Su’aasha is weydiinta mudan ayaase waxay tahay side diyaaradaha milatriga mareykanka ee gantaalada qaada uga dhumeen 9 nugleer?

Xaqiiqda labaad; ma ogtahay in uu qorsheysnaa shir looga hadlaayo argagaxisada caalamiga in la qabto habeenkii ka horeeyay subaxii ay dhaceen qaraxyadii 11dii sebtember 2001dii kuwaasoo lala eegtay daarihii dhaadheeraa ee New York hase yeeshee habeenkii ka horeysay la baajiyay.

Sida ay qortay majalada New York Times mid kamid ah dabaqyadii qaraxyadaas ku burburay fooqiisa 78aad waxaa la rabay in lagu qabto shir looga hadlaayo argagaxisada habeenkii ka horeeyay maalinkuu qaraxa dhacay lkn shirkaasi ma dhicin mana qabsoomin maadaama golayaashii shirkaas wax ihtimaam siinin kana caajiseen imaatinkiisa.

Xaqiiqda sadaxaad; ma ogtahay in shabeelka ku nool wadanka USA uu ka badanyahay midka ku nool daafaha caalamka?.

Aduunka waxaa ku nool 3200 shabeel balse USA oo kaliya waxaa ku nool tiro intaas ka badan waana in kabadan 5,000 oo shabeel waliba 2,000 kamid ah waxay ku noolyihiin gobolka Texas.

Xaqiiqda afaraad; markii qofka hindhisaayo waxaa istaaga garaaca wadnihiisa asigoo joojiya dhamaan shaqooyinka jirka waana xaalad halis ah oo qofku wajahayo waxaana macquul ah in uu qallbiga toos shaqada u joojiyo ilbiriqsiga uu qofka hindhisaayana naftiisa waxay gashaa halis weyn taasina waa sababta ay diinta islaamka noo fartay inaan dhahno Alxamdulillaah maadaama aan ka badbaadnay xaalad halis badan.

Xaqiiqda shanaad; dowlada Mareykanka ayaa hada kahor si ay qaab kumeel gaar ah ugu yareyso joogteynta iyo isticmaalka khamriga ku dhawaaqday waxay ugu magacdartay The Chemist’s War kaasoo ay la galeyso muwaadiniinta wadankeeda waxayna sumeeyeen dhammaan khamriyada la warshadeeyo si ay uga hortagaan burcada xado hase yeeshee waqtigii loo qabtay markii lagaaray tiro koob lagu sameeyay dadkii khamriyadaas sumeysan ku dhinteen waxay noqdeen in kabadan 10,000 oo dhimasho.

Hadii aad wada akhrisay qodobkee kaa yaabiyay?