Sheekada Filimka Badla: Amitabh Iyo Taapsee Waxay La Imaadeen Filim Qayaano Heer Sare Ah

Hordhac:

Waxaa  shalay  tiyaatarada  la  saaray  filimka  Badla  oo  ah  filim  qayaano  iyo  baaritaan ah  oo  sheeko  ahaan  laga  soo  min  qaatay  filimka  caanka  ah  THE INVISIBLE GUEST.

Bollywood  markaan  waxay  u jeesteen  inay  sameeyaan  filim  fariin  qayaano  iyo  baaritaan ah  sameeyaan  maadaama  fariimo  filimadaas  oo  kale  looga  haray reer galbeedka.

Filimka  sanadahaan  danbe  ugu  caansan  ee Bollywood-ka  sameeyaan fariin  ahaan  qayaano  iyo  baaritaan  xambaarsan  waa  Kahaani oo  la  daawaday  sanadii 2012 waxaana  sameeyay  filim  sameeye  Sujoy Ghosh  oo  sidoo  kale  director  ka ah Badla.

Hadaba  filim  sameeye  Sujoy Ghosh,  waxaa  laga  sugaaya  filim fariintiisa sareyso  maadaama  uu  isku  keenay  jilaayaasha  filimka Pink  ee Amitabh Iyo Taapsee  maxaa  laga  filan  karaa  filimka  Badla  oo  qof  walbo  indhaha  ku  haayo  fariinta  filim  sameeye  Sujoy  Ghosh,  la  imaan  doona.

Jilaayaasha: Amitabh Bachchan, Taapsee Pannu, iyo Amrita Singh

Director:  Sujoy Ghosh

Waqtiga uu socanaayo filimkaan: 1-saac iyo 55 daqiiqo

Fariinta filimka Badla oo kooban: wuxuu  ku  saabsan  yahay  marwo  lagu  soo  eedeeyay  dil  Naina Sethi  (Taapsee Pannu)  waa  marwo  ka  gaaray  ganacsiga  waxay  ku  nooshahay  London  waana  xaas  sidoo  kale  gabbar  yar  u joogto. laakiin  maalin  ayaa  nolasheeda  dhinac  u wareeganaysa  marka  lagu  soo  eedeeyay  inay  dil  u geysatay  jaceylkeeda  Arjun Joseph (Tony Luke).  cadeen  walbo  oo  lasoo  bandhigo  waxay  cadaynaysa  in Naina Sethi  (Taapsee Pannu)   ka  danbeysay  dilka  jaceylkeeda  maadaama  iyada  aheyd  qof  kale  kalii qolka kula  jiray  jaceylkeeda  Arjun Joseph (Tony Luke).

Laakiin  Naina Sethi  (Taapsee Pannu)   ayaa  mar  walbo  sheegeysa  in  qolka kula  jiray  nin  seddaxaad  oo  ka  danbeeyay  qorshaha  dilka   sidoo  kalena  iyada  dhaawac  kaga  geystay  wajiga. laakiin  maxkmada  ayaa  cadeynaysa  in  qolka  uu  ka  xirnaa  gudaha  sidoo  kale  cadeemaha  kale  waxay tilmaamaayaan  in  qofna  banaanka  u soo baxin.

Abukaataha  Naina Sethi  (Taapsee Pannu)  Jimmy Punjabi  (Manav Kaul)  ayaa  u sheegaaya  in  kiiskaan  farihiisa  ka baxi rabto  intaan  ka dibna  uu  badbaadi  karin. laakiin  wuxuu  u sheegaaya  inay  qabsato  abukaataha awooda  badan  marna  guul dareysan  Badal  Gupta (Amitabh Bachchan).

Badal  Gupta (Amitabh Bachchan)   ayaa  u sheegaaya in  Naina Sethi  (Taapsee Pannu)  wax  walbo oo kiiskaan  ku saabsan  banaanka soo  dhigto si uu  kaga  bad  baadiyo  maxkamada  waxayna  u sheegaysa  in  Arjun Joseph (Tony Luke)  ku  lug  lahaa  wiil  dhalinyaro  ah  lagu  magacaabo  Sunny Kaur oo laga waayay  gobalka  yar  Aviemore.  maxaa  xiga  oo  dhaci  doona  ayaa  ah  waxa  loo  daawan doona  filimka  Badla.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Badla: Filimkaan  sheeko  ahaan  waxaa laga soo  min  guuriyay  filimka  Ispaniska  ah  ee  THE INVISIBLE GUEST   filim  sameeye  Sujoy Ghosh  ayaana  filimkaan  si  heer  sare  ah  u sameeyay  inkastoo  uu  gaarin  orijaanlkiisa  hadana  waa filim  heer sare  qof  walbana  soo  dhaweyn  weyn  ka  helay  sidoo  kalena  la wada  amaanay  fariintiisa.

Bandhiga Jilaayaasha: Sida  caadad  aheyd  mar  kale  ayuu  shaashada  la wareegay  halyeey  Amitabh  Bachchan  kani  waa  halyeeygaan  marna  bollywood-ka  kama  maarmin.

Taapsee  doorkeeda  waa  mid  heer  sare  ah  marka  kale  waxay  cadeysay  in  fariin  walbo  diyaar  u tahay  sidoo  kalena  la  tartami karto  atariishooyinka  bollywood-ka  hogaanka  u  heeyaan.

Laakiin  waxaa  kaa yaabin  doona  doorka  halyeeyada  Amrita  Singh  oo  door  muhiim  laga  siiyay  filimkaan  waxayna  mar  kale  cadeesay  in  filimaan  badan sameyn karto.  sidoo  kale  jilaayaasha  Tony Luke,  Denzil Smith,   waxay  ku leeyihiin  doorar  yar  balse  muhiim  ah.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Badla:

Fariintiisa  filimkaan  xambaarsan  yahay  iyo  hadaladiisa  oo heer sare.

Muusigada  gadaal  ka yeerayso  (Background Score) soo si wanaagsan loo diyaariyay.

Jiliinka  Amitabh, Taapsee  iyo  Amrita  iyo fariintiisa qayaanada iyo dilka oo heer sare ah.

Muxuu Ku Liitaa Badla: 

Filimkaan  malaha  madadaalo  ama kuma jiraan heeso kusoo jiidanaayo.

Waqiga  uu  socanaayo  waxaa  loo baahnaa  in 10 ilaa 12 daqiiqo laga jaro  inkastoo xiiso uu leeyahay.

Qiimeynta Sheekada Badla: 3.5/5 (Sedex xidig  iyo  bar)

Gunaanad:  Badla  waa  filim  ka  hadlaayo  qayaano  arimaha  dilka  ku  saabsan  sidoo  kalena  qof  walbo  xiisaynaayo  filimkaan  sida  asigoo bollywood  ah  loo dhigay  ama xiisaha uu yeelan doona  midaas  oo  ka caawin  doonto  in  filimkaan uu  boxoffice-ka  guul  ka  gaaro.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka Filimka Badla.