Sheekada filimka DevaDas: Nagarjuna iyo Nani waxay la imaadeen filim Action iyo shactiro la daawan karo

Filimka sida weyn Koonfur Hindiya gaar ahaan Telugu (Tollywood) looga hadal haayo DevaDas sheekadiisa dhameestiran ayaan idiin heynaa waxaana hogaamiyaal ka ah labo aan kala dhicin Superstar Nagarjuna iyo wiilka hawada sare maraayo Nani halka Sriram Aditya uu Director ka yahay.

Sheekada Filimka DevaDas: Deva (Nagarjuna) waa agoon uu soo korsonaayo Dada (Sarath Kumar) waxayna si wadajir ah u noqonayaan labo dambiilayaal awood badan oo ka taliyaan deegaankooda.

Laakiin Dada (Sarath Kumar) marka la dilo Deva (Nagarjuna) oo niyad jabsan deegaankiisa ayuu isaga soo tagaa wuxuuna imaanaa magaalada asigo isku dayaayo inuu noloshii wasaqeesned gadaal iska mariyo.

Das (Nani) waa dhaqtar dhalinyar oo hamigiisa aad u sareeyo wuxuuna ku leeyahay magaalada isbitaal dadka lagu daaweeyo sidoo kalena waa wiil naxariis badan.

Balse dagaal is rasaaseen ah oo dhex maraayo Deva (Nagarjuna) iyo burcad kale ayaa sababaayo in Deva (Nagarjuna) asigoo baxsad ah oo la bursanaayo inuu soo galo isbitaalka Das (Nani) oo uu maciin badi si uu halkaas ugu bad baado.

Haddaba qaybaha dambe ee filimkan waxaa loo daawan doonaa Deva (Nagarjuna) oo gaangester weyn ah iyo Das (Nani) o dhaqtar dhalinyar ah isku fahmi karaan iyo dhaqtar Das (Nani) halista soo wajihi karto?

Maxaa Laga Yiri Bandhiga Jilaayaasha Filimkan: Nagarjuna ayaa xaday sababta loo daawanayo filimkan bandhig ahaan waayo kasoo muuqashadiisa shaashada ayaa ah mid aad u wanaagsan saameyn xoogana wadato.

Nani isagana si qurux badan ayuu kaga soo baxay doorkiisa weliba qiirada xambaarsan sidoo kalena wuxuu muujiyay inuu halyee Nagarjuna la tartami karo inkastoo filimkan looga saameyn badan yahay hadana waxaa wanaagsan mustaqbalka labadan jilaa Tollywood awooda ku leh inay isla shaqeeyaan markale.

Rashmika iyo  Aakanksha ma helin atirishooyinkan waqti ku filan iyo door saameyn leh laakiin wey iska wacan yihiin oo jilaayaasha kale uma xumo qaybaha la siiyay.

Kunal Kapoor oo laadarka filimkan isagan doorkiisa waa mid dhex dhexaad ah oo mararka qaar kusoo jiidanayo sidoo kale Murali Sharma doorkiisa askariga isaga waa mid wacan.

Ruug cadaa Sarath Kumar muuqaal marti ah ayuu ku leeyahay filimkan balse waa mid wacan halka caawiyaasha kale mashruucaan kasoo muuqdeen sida Rao Ramesh, Naresh iyo kuwo kale iyagana wanaagsan yihiin doorarkooda kooban.

Dhinaca Farsamada Filimkan Maxaa Laga Yiri:

Muusiga waa mid dhex dhexaad ah balse Background Score ama muusiga gadaal ka yareeso ayaa ah mid xiiso badan.

Muuqaalada goobaha filimkan lagu duubay waa mid kusoo jiidaneyso.

Qaabka filimkan loo faaf reebay waa mid dhex dhexaad ah micnaha si wacan looma faah reebin balse sidoo kalena kuma badno muuqaalada dayacaada badan ka muuqdaan.

Taxliil Ku Saabsan Fariinta Filimka DevaDas: 

DevaDas waa filim shactiro iyo Action isku jiro ah kaasi oo halmar la daawan karo wuxuuna filimkan ku tiirsan yahay bandhiga Nagarjuna iyo Nani iyo muuqaalada qaar oo mada daalo dhameestiran leh.

Waxa kala uu filimkan ku wacan ayaa ah inuu mid dareen badan isku badalaayo qaybihiisa dambe waana halka kaabeyso meelaha uu ku liito fariin ahaan.

Dhinaca uu ku liito waxaa ugu horeeyo fariinta jaceylka mashruucaan lagu kabay ma ahan mid adag waayo looma baahneyn jaceyl badan oo aan xiiso laheyn.

Balse DevaDas waa filim Action iyo shactiro wacan leh mararka qaarna ku qiiro galinaayo kaasi oo daawashadiisa lagu raaxeesan karo laakiin ma ahan filim adag oo kugu qasbaayo marar badan inaad ku cesh ceshatid.

Maxaa U Faa’iido Ah Filimkan:

Bandhiga Jilaayaasha

Shactirada

Is Fahanka Nagarjuna iyo Nani oo muujiyeen inay fiicnaan laheyd marar badan isla shaqeeyaan.

Maxaa U Faa’iido Daro ah Filimkan:

Jaceylka aan loo baahneyn

Waqti ahaan inuu dheer yahay.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3/5 (Sedex xidig)

Natiijo Ahaan Boxoffice-ka Maxaa Laga Filan Karaa:

Madaama filimka DevaDas kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen 38 Crore sidoo kalena fariintiisa mid adag ahayn waxaa macquul ah inuu ku dhibtooda dib usoo celinta lacagta lagu gatay waa haddii sedexda maalmood ugu horeyso si wacan uusan u gadmin inkastoo aan marnaba Boxoffice-ka la sadaalin karin.

Fadlan Hoos Ka Daawo Goos Gooska Filimka DevaDas: