Sheekada filimka Vinaya Vidheya Rama: Ram Charan wuxuu la yimid filim aan sheeko laheyn kaliya Action-kiisa u daawo!

Mega Power Star Ram Charan sanadkii hore 2018 waxaa Blockbuster u noqday filimka Rangasthalam balse ma uusan ku xarakeyn filimkan asigoo door dabiici ah matalaayay laakiin aad loo amaanay wuxuuna haatan la yimid filimka Vinaya Vidheya Rama oo Action dhameestiran ah si uu daawadayaasha u mada daaliyo uguna raaxeestaan daawashada filimkan.

Jilaayaasha filimkan: Ram Charan, Kiara Advani iyo Vivek Oberoi

Director: Boyapati Srin

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac iyo 26-daqiiqo

Fariinta Filimka VVR Oo Kooban: Ram (Ram Charan) waa wiil agoon ah waxaa soo koriyeen afartiisa walaalo ka weyn kuwaas oo iyaga xitaa agoomo ah waxayna usoo koriyeen si wanaagsan waqti badana wey galiyeen sidii uu ku noqon lahaa wiil isku filan oo wax bartay.

Ram (Ram Charan) waa nin awood badan sidoo kalena aad u xanaaq badan qofka ay is fahmi waayana gacanta ayuu kaga caana maalaa wuxuuna aad u jecel yahay inuu qoyskiisa daryeelo.

Haddaba Ram (Ram Charan) walaalkiis ka weyn marka loo magacaabo inuu deegaanka Bihar maamulo waxaa ka hor imaanayaan burcad deegaankan awood ku heesato oo uu hogaamiye u yahay  Raja bhai (Vivek Oberoi).

Wuxuu Ram (Ram Charan)  go’aan ku gaaraa inuu walaalkiis difaaco deegankana ka tali asigoo og halista kaga imaan karo dhanka tuuga weyn ee awoodaha kala duwan adeegsan karo Raja bhai (Vivek Oberoi).

Haddaba qaybaha dambe ee filimka VVR waxaa loo daawan doonaa waa kuma Raja bhai (Vivek Oberoi) iyo sida Ram qoyskiisa u difaaci doono asigoo ah nin awood badan wax walbana sameyn karo.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka VVR: Director Boyapati Srin kaliya wuxuu diirada saaray sameynta Action waali ah oo si walbo taageerayaasha Ram Charan usoo jiidan doono laakiin wuxuu hilmaamay inuu filimkan fariin ahaan si wacan u tayeeyo sidoo kalena qiiro badan u yeelo.

Tani waxay ka dhigan tahay juhdiga xoogan ee Ram Charan filimkan ku bixiyay inuu meel cidlo ah ku dhamaaday waayo dagaal ayuu ku bilaabanaa dagaal ayuuna ku dhamaanaa mashruucaan laakiin nuxur kale oo kusoo jiidanayo malahan!

Maxaa Lag Yiri Bandhiga Jilaayaasha: Ram Charan doorkiisa inaba caadi ma ahan waqti badan ayu galiyay jirkiisa iyo doorkiisa bandhig ahaana wuu kasoo dhalaalay laakiin filim aan sheeko laheyn cidna ma riixi karto!

Vivek Oberoi ayaa helay door wacan oo si quman loo qoray taasi oo ka dhigtay in mararka qaar asigoo laadarka filimka ah inuu kaga saameyn badan yahay Ram Charan.

Kiara Advani door weyn kuma lahan filimkan waxaa ka saameyn badan oo filimka micno weyn ka sameenayo Prashanth.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka VVR:

Action-ka waalida ah iyo sida Ram Charan isku diyaariyay

Doorka Vivek Oberoi oo ah mid wacan

Muusigadiisa oo kusoo jiidaneyso iyo muuqaalada goobaha lagu duubay oo heer sare ah.

Muxuu Ku Liitaa Filimka VVR:

Sheeko laga tagay oo aan xiligan soconeyn

Filim rabshadiisa iyo dagaalkiisa xad dhaaf yihiin

Ma lahan dareen qiiro badan oo kusoo jiidan karo waa sida adigoo Video Game daawanayo oo dagaal kaliya ah!

Qiimeynta Sheekada Filimka VVR: 1.5/5 (Hal Xidig iyo Bar)

Gunaanad: Mega Power Star Ram Charan awoodiisa meel cidlo ah ayay ku dhamaatay madaama uu doortay fariin aan u qalmin maqaamkiisa waa hubaal in filimka VVR ganacsi ahaan bur buri doono inkastoo ay macquul tahay sedexda maalmood ugu horeyso Ram Charan madaxiisa loo daawado.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka VVR ee Ram Charan lagu siray sameyntiisa!

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

2 Comments

  1. Kan aya akteena kagadmaayo rangasthalam iyaga ayoo lafiicnaa anagana flop ayoo noo aha

  2. Aniga sheekada filimka ma aqrin mana aqri doono hadaa aqriyo saas ayaaba kudaawadey filimka

Comments are closed.