SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN (1001) QEYBTII 22-AAD


Habeenkii 19aad.

Kadib wuxuu amray khaliifkii muslimiinta in qisadaan lagu qoro diiwaanka laguna keydiyo maktabka boqortooyada,

Kadib khaliifkii wuxuu weydiiyay gabadhii “maka war heysaa cifriitkii sixirtay walaalahaaga??
Markaas ayay ugu jawaabtay ha amiiral mu,miniinow waxay isiisay tin kamid ah timaheeda waxayna igu tiri hadii aad ii baahato qeyb yar oo tintaan kamid ah gub waan kuu imaanaa xitaa hadii aan joogo buurta qaaf.

Markaas ayuu khaliifkii mu,miniinta yiri bal uyeer aan aragnee.
Gabadhii tintii qeyb kamid ah ayay gubtay kadibna qasrigii boqortooyada ayaa gariiray jug culusna wey dhacday mise waa cifriitkii jinka aheyd waxayna aheyd mid muslimad ah markaas ayay salaantay amiirkii muslimiinta salaanta ayuuna ka qaaday.

Kadib jintii waxay tiri khaliifow gabadhaan abaal weyn ayay ii sameeyay geeri ayay iga badbaadisay waxayna dishay cadowgeyga markii aan ogaaday waxay walaalaheeda ku sameeyen aad ayaan uga xumaaday waxaana go,aansaday inaan uga aaro anigoon dilin sidaas darted ayaana usixray, hadii aad rabto khaliifkii mu,miniintow sixirka waan ka furi karaa.

Markaas ayuu khaliifkii yiri bal kafur aan aragne cida gardaran iyo cida laga gardaranyahay, qofkasta xaqiisa ayaa la siinayaa cidna halkaan laguma dulmiyo.
Markaas ayay jinidii ka furtay gabdhihii sixirkii oo ay sidoodii hore kusoo laabteen, kadibna khaliifkii wuxuu jinidii weydiiyay cida gabadhaan sidaan ugaraacday waxayna ugu jawaabtay waa wiilkaaga amiin,
Markaas ayuu khaliifkii uwacay wiilkiisa wuxuuna weydiiyay sidey wax ujiraan wiilkiina sidii runta aheyd ayuu ugu jawaabay.
Markaas ayuu khaliifkii isugu wacay qaadiyaashii magaalada xukaamtii marqaatiyaashii iyo sadaxdii nin ee fuqarada aheydba, sidoo kale wuxuu u wacay gabadhii koowaad iyo labadii gabdhood ee walaalaheeda ahaa, wuxuuna sadaxdoodii ku kala daray sadaxdii faqiir asigoo siiyay waxkasta oo ay ubaahnaayeen, maadaama sadaxda fuqaro ay sheegeen iney boqoro ahaayeen wuu soo dhaweeyay wuuna karaameeyay.

Gabadhii labaadna wuxuu uguuriyay wiilkiisa amiin kuna amray inuu si wanaagsan ula dhaqmo.
Kadibna khaliifkii wuxuu guursaday gabadhii sadaxaad isagoo udhigay aroos weyn dajiyayna qasrigiisa magaalada baqdaad.
Kadib ayuu khaliifkii habeen kale uwacay waziirkiisii jacfar iyo masruur wuxuuna dhahay nakeena caawo aan magaalada galnee waa intaasooo aan lasooo kulanaa dad dhibaateysan oo kaalmo ubaahan.
Sidii ayayna kusoo baxeen waxay socdaanba waxay lakulmeen oday waayeel ah oo diif iyo daal aad udaran ka muuqdaan markaas ayuu khaliifkii odaygii joojiyay wuxuuna weydiiyay xaalkiisa iyo axwaashiisa.

Odaygii wuxuu ugu jawaabay aniga waxaan ahay kalluumeysato qoyskeyga aniga bas ayaa ukhidmeeyo saakay ayaan so baxay manta dhana in shabaqa wax iisoo galaan ayaan sugayay lkn waxba waa iisoo gali waayeen ilmaheygiina waa iga baahanyihiin wax aan siiyana malahan.

Markaas ayuu khaliifkii dhahay kawaran hadii aan hada wabiga ku laabano oo shabaqa bada ku tuurto waxkasta oo kuusoo baxana aan kaa siiyo 100diinaar??
Odaygii aad ayuu u farxay horay ayuuna ka ogolaaday.
Waxay kulaabteen wabigii kadibna waxay tureen shabaqii cabaar markii ay sugeen ayaa wax soo galeen kadibna wey soo bixiyeen wuxuuna noqday sanduuq aad uweyn, markaas ayuu khaliifkii sanduuqii soo qaatay odaygiina wuxuu siiyay boqolkii diinaar.
Khaliifkii markuu qasrigii tagay ayuu amray in sanduuqa la furo si uu ufiiriyo waxa kujiro, kadib sanduuqii ayaa lafuray maxaa kasoo baxay??
Sanduuqa waxaa ku jiray gabar inta la dilay hilibkeedana la jarjaray oo inta sanduuqaan lagu xiray biyaha wabiga lagu riday.
Markuu khaliifkii arkay ayay ilin kasoo hoobatay wuxuuna eegay dhanka jacfar asigoo ku yiri “waryaa waziir isku sheegyahow ma maatadii ayaa la leynyaa anigoo amiiral mu,miniin ah kadibna hilbahoodii oo cadcad ugo,an badaha lagu tuurayaa??kadibna aniga aakhiro la iiqabsan maadaama aan masuul ka ahay?? Maya wlhi inaan u aar gudi doono gabadhaan oo dadkii saan yeelay aan ciqaabi doono, ilaah baan ku dhaartay hadii aadan ii keenin qofkii waxaan falay inaan idinku daldali doono qasrigeyga hortiisa adiga iyo 40tan ilmo adeeradaa ah ( aala jacfar ayaa magaalada masuul ka ahaa).
Markaas ayuu jacfar khaliifkii ka codsaday in uu u sugo mudo sadax maalmoo ah, khaliifkiina wuu ka ogolaaday.
Markaas ayuu jacfar kasoo baxay khaliifkii asigoo aad umurugeysan isna weydiinaay xageen ka keenaa mudo sadax maalmood ah qofkii waxaan falay???
Markaas ayuu jacfar asigoo aad unaxsan gurigiisa tagay oo iska dhex fadhiistay, markii la gaaray maalintii afaraad ayuu khaliifkii u wacay jacfar asigoo weydiiyay aaway dilaagii gabadha??
Wuxuu ku jawaabay khaliifow aniga ma ogi climiga qeybka mana aqaano qofkii gabadhaan dilay.
Markaas ayuu khaliifkii sii xanaaqay wuxuuna maray in jacfar lagu xiro tiir kuyaalo qasriga hortiisa, sidoo kale wuxuu amray in magaalada qof loo diro si uu dadka usoo ogeysiiyo in qofkasta oo doonayo inuu daawado dilka jacfar albarmaki waziirkii qaliifka ha yimaado.
Markaas ayaa magaaladii oo dhami isku soo baxday oo madashii lawada yimid si ay u daawadaan qaabka loo daldalaayo jacfar iyo ilmo adeeradiisa.

La soco qeybta 23aad habeen dambe xiligaan oo kale.

1 Comment

Comments are closed.