SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN (1001) qeybtii 25aad.

Sheekada waxay qeybtii hore inoo mareysay dhowr bil markii ay kazoo wareegatay anigana waxaan sameeyay lacagtii ayaan maalgashi ku sameeyay waxaana ka faa’iiday lacag badan markaas ayaan waxaan go’aansaday inaan toogtaan wiilka marti qaado maadaama uu qof fiican yahay sidoo kalana aan lacagtiisa waxbadan ku faa’iiday.

Markii dambe ayuu ii imaaday waxaana dhahay manta aniga ayaad ii casuumantahay lkn wuxuu dhahay hal shardi ayaan wataa waana in lacagta martiqaadka aad ka bixisaa lacagta aad ii heyso,  markaas ayaan ka ogolaaday.

Kadib qadadii ayaan diyaariyay waana fariisanay si aan u cuno lkn waxaan arkay asigoo bidixdiisa wax ku cunaayo taasoo layaab igu noqotay,  kadib markii uu wax cunistii dhameeyay ayuu farxashay kadib ayaan ku dhahay “sayidii gacanta midig maxaa kaaga dhacay oo aadan raashiinka ugu cunin dhib miyaa jira?” waxaana idinka iloobay in wiilka uu markasta gacantiisa  midig jeebka ugu jiri jirtay mana uusan adeegsan jirin.

Wiilkii hadalkeyga markuu maqlay ayuu gacantiisii jeebka kasoo bixiyay mise weyba go’antahay taasoo aad iiga yaabisay.

Markaas ayuu igu dhahay waxba hala yaabin waayo gacantaan qaabka ay iiga go’day ayaa  ka yaab badan.

Waxaan ku dhahay maxaa kaaga dhacay bal ii sheeg.

Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay :waxaad ogaataa aniga inaan kasoo jeedo magaalada baqdaad waalidkeyna uu halkaas daganaa waxaana aheyn ganacsato.

Aniga markasta waxaa warar iga soo gaari jireen in dhulka masar uu yahay dhul aad ugu fiican ganacsiga waxaana ku taami jiray markasta inaan maalin uun tago si aan badeecadeyda u geeyo.

Maalintii dambe ayaan jisciinka u dhuuqsaday waxaana u baxay safar dheer anigoo waday badeeco badan oo ay ugu horeeyeen dharka noocyadiisa kala duwan waxaana gaaray dhulkii Masar.

Waxaan halkii ku iibiyay badeecadii waxaana meesha ku bartay ganacsato badan oo uu kamid ahaa nin la dhihi jiray Badru-Diin wuxuuna ahaa mid dharka ka ganacsada.

Maalin maalmaha kamid ah anigoo asiga la fadhiyo sheekana noo socoto ayaa waxaa tukaankiisii timid gabar aad quruxdeeda hadaad aragto aad yaabeyso.

Waxay aheyd gabar u labisan sida amiiradaha bilicdeeda iyo quruxda wajigeedana ma aysan aheyn mid la iska difaaci karo qalbi kasta oo arkaa wajigeeda si fudud ayuu ku jeclaanayay waxaana kasoo baxaysay caraf iyo udug ruuxda kaa qaadeyso waxaana niyada iska dhahay xuurul-ceyntaan tolow xagey ka timid mise waan riyoonayaa?

Waxay la hadashay badru diin waxayna fiirisay dharkii meesha yaalay ilaa ay ka baxsatay wixii ka cajabiyay mudadaasna aniga waxaan ahay maqane jooge oo iyada ayaan ku maqnahay.

Kadib ayay badru-diin ku tiri “kawaran hadaan dharkaan qaato oo aan lacagtiisa gadaal kaaga soo dhiibo?”

Markaas ayuu badru-diin ugu jawaabay “suurto gal ma ahan maanta waayo lacagta ayaan muxtaaj u ahay?

Markaas ayay ku dhahday “war hooge aniga waxaa caado ii ah inaan tukaankaan wax ka gato badeecada qaato kadibna gadaal kaaga soo dhiibo lacagta ee badeecada isii”

Markaas ayuu ka diiday kadibna inta ku xanaaqday ayay maryihii wajiga uga tuurtay iskana baxday.

Markey dhaqaaqday ayaanba isu maleeyay in ruuxdeyda raacday markaas ayaan inta kacay ku dhahay “abaayo halmar eegmadaada igu sadaqeyso talaabadana dib u soo celi”

Markaas ayay isoo fiirisay iyadoo dhoolo cadeyneyso markaas ayay igu tiri “dartaa ayaan usoo laabtay”

Markaas ayaan badru diin ku dhahay “badeecadaan lacagteeda waa imisa ?

Markaas ayuu igu dhahay “waa kun iyo boqol dirham”

Waxaan ku dhahay “waa diyaar waxaana kuu raacinaa boqol dirham kale oo dheeri ah ee keen”

Markaas ayuu warqadii faatuurada ii qoray oo aan gacanteyda ku saxiixay waxaana usoo taagay gabadhii anoo ku leh “hoo qaado hadii aad rabto lacagta inoo soo celi hadii kalana martiqaad ahaan u qaado”

Markaas ayay ii mahad celisay wayna baxday.

Kadib ayaan inta is celin waayay badrudiin ka wareystay haduu yaqaano qoftey tahay wuxuuna I dhahay “gabadhaan waa gabar hanti leh waana amiirad aabaheeda dhintay wuxuuna uga tagay hanti aad u fara badan”

Markaas ayaan halkii aan ku hoyan jiray kusoo laabtay anoo qalbigeyga oo dhan uu gabadhii ka fikiraayo mana aheyn mid uu maankiisa joogay.

Habeenkaas waxba ma aanan cunin hurdana wey iga soo dhici weysay waxa kaliya ee aan ka fikirayayna wuxuu ahaa gabadhii quruxda badneyd ee aan manta arkay.

Waagii markuu baryay ayaan quraacday inta labistay horay ka aaday tukaankii sxbkey badru diin anoo niyada iska leh waa intaasoo aad markale aragtaaye.

Kadib xoogaa markaan tukaankii joogay ayay timaaday iyadoo labiskii shalay mid ka qurux badan wadato sidii dayaxana u hilaaceyso,  waxaana lasocotay jaariyad,  wey fariisatay weyna I salaantay iyadoo aanan badru-diin salaamin waxayna cod fasiix ah igu tiri “igu soo daba dir qof aan kuugu soo dhiibo kun iyo boqol dirham”

Waxaan isku dayay inaan dhaho iska dhaaf lkn wey iga diiday kadibna cabaar ayay ii sheekeysay markey bixi rabtay ayaan u baaqay maku sii dhaweeyaa? Iyadana horay ayay iga fahamtay kadibna wey kacday.

Markaas ayaan dhaweeyay intaan jidka kusii jirnay ayay igu tiri “xabiibi aniga waxaan rabaa inaan kuu sheego inaad isoo jiidatay qalbigeygana uu dhankaaga u janjeero markii aan ku arkay ilaa waqtigaana hurdo igama soo dhicin cuntana maku haminin waxaana garowsaday inaan kuu sheego ee sidaas u ogoow”

Markaas ayay inta neef iga soo fuqday ku dhahay “laban lab waxaad xageyga ka dareemeysid ayaan dhankaaga ka dareemayaa  dareenkana anigaa kaa daran”

Markaaas ayay igu dhahday  “xabiibii makuu imaadaa makula joogaa?”

Markaas ayaan ku dhahay “ aniga halkaan qariib musaafir ayaan ku ahay gurina kuma lihi lkn hadii aad garowsatid inaan aniga adiga kuu imaado waa heer sare maadaama dhulkaaga aad joogtid”

Markaas ayay igu dhahday “caawo waa jimco ee bari ii imoow” waxayna ii tilmaantay qasrigeeda meesha uu ku yaalay.

Markaas ayaan aad u farxay waxaana habeenkaas seexday anoo faraxsan qofaan iyada aheyna aanan ka fikireynin.

Subaxii markii la gaaray ayaan qubeystay waxaana soo xirtay dharkeyga kuwii ugu fiicnaa si heer sare ayaana usoo labistay iskuna soo carfiyay waxaana jeebka kusoo ritay lacag dhan konton diinaar (waxay u dhigmataa 5kun oo dirham) waana soo baxay ilaa aan ka imaaday qasrigii waxaana albaabka iga fureyn labo gabdhood oo yaryar iyo labo xoogaa kaweyn oo aad dayaxa moodo waxayna I dhaheyn soo gal sayidadeena wey ku sugeysaaye xalay oo dhana ma aysan seexanin adigeyna kugu walacday.

Markaas ayaan qasrigii galay wuxuuna ahaa hool leh todobo albaab wareeg shabaq ka sameysana wuxuu ku hareereysnaa beerta qasriga,  waxaana beerta ka baxayay nooc kasta oo miro iyadoo uu dhex marayay wabiga,   dhanka kale qasriga saqafkiisa wuxuu ka sameysnaa  dahab dhulkana waxaa lagu firaashay rook aad quruxdiisa la yaabeysid darbiyadana waxaa ku xardhanaayeen daahyo xariir laga sameeyay markii aan dhex galay ayaan fariistay.

Markaas ayay shahar-zaad ogaatay in subaxii la gaaray waxayna ka aamustay hadalkii banaanaa.

Habeenkii 27aad.

Habeenkii xigay waxay sheekada ku bilowday waxaa isoo gaartay boqorow in wiilkii uu yiri markii aan qasrigii galay waan fariistay waxaana ii imaaday gabadhii oo ku labisan taaj lagu xardhay lu’lu’ iyo yaaquut waxayna ku labisneyd dhar hadii aad aragtid aad quruxdiisa la yaabeysid intaan iyadana quruxdeeda la gaarin.

Markii ay I aragtay ayay ii qososhay waxayna igu tiri “xaqiiqo miyaa waxaan arko oo ma ila joogtaa mise waa indhaheyga?”

LA SOCO QEYBTA 26AAD.

1 Comment

Comments are closed.