SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN qeybtii 28aad oo xiiso leh.

Isbuuc ayaa kasoo wareegatay gabadhiina ma hayo waxaana ii yimid ganacsatadii oo lacagtoodii raadinaayo waxaanse usheegay iney ilaa isbuuc kale I sugaan.

Isbuucii xigay nasiib wanaag wey imaaday iyadoo oo lacagtii sida markii aan lacagtii ka qaatay ayay su’aal lama filaan ah oo aan markaas sinaba u fileynin I weydiisay iyadoo I dhahday “adiga xaas miyaad leedahay?”

Markaas ayaan ku dhahay “maya xitaa naag dhan ma aqaano” ilin ayaana markaas iga soo daadatay, waxay igu dhahday maxaa kugu dhacay oo aad la oyneysaa??

Markas ayaan ugu jawaabay “dhacdo igu soo dhacday owgeed ayaan la ooyay” lkn xaqiiqda waxay aheyd jaceylka aan u qabay ayaan la ilmeeyay.

Markaas ayaan mid khaadimkeeda ah ayaan xoogaa lacag ah siiyay waxaana ka codsaday in uu nakala dhex galo oo uu isku keen keeno,  markaas ayuu khaadimkii igu qoslay wuxuuna I dhahay “wali waxba ma fahmin miyaa? Jaceylka aad u qabto waxaa ka daran midka ay kuu qabto badeecadaadana dan kama lahan ee si ay kuu aragto iyo jaceyl ay kuu qabto ayay kuugu imaaday ee caadi dantaada ugala hadal”

Markaas ayaan tukaankii kusoo laabtay iyadana wey arkeysay markaan khaadimkeeda lacagta siinaayay.

Markaas ayaan u ku dhahay “khaadimkaada ayaan fariin kuugu reebay”

Markaas ayay igu dhahday “ khaadimkaan fariintaada wuu isoo gaarsiin ee adiga uun sameey wuxuu ku dhahay” kadibna wey iga tagtay.

Kadibna ganacsatadii ayaan lacagtoodii siiyay lkn waxaan markasta ahaa mid iyada ka fikira waxaana ka shaleynaayay inaan waxba u sheegin.

Wixii aan sugaba oo tukaankeygii isku boojeeyaba maalintii dambe ayaa waxaa ii yimid khaadimkeedii, markaas ayaan sharfay oona soo dhaweeyay waxaana ka wareystay xaalkeeda, balse wuxuu ii sheegay iney xanuunsantahay, markaas ayaan waxaan ku dhahay maxaa ku dhacay ii sheeg?

Wuxuu iigu jawaabay “gabadhaan waxaa soo korisay xaaska boqorka magaalada waxayna kamid tahay jaariyadaheeda nadiifka ah lkn baryahaan waxay jeclaatay iney banaanka xoogaa u soo baxdo markii horena waxay aheyd maqbiyo guri ku xareysan oo banaanka looma ogoleyn, waxayna fasax ka qaadatay sayidadeeda waana loo idmay kadibna markii ay soo baxday adiga ayay kula kulantay kuna jeclaatay waxayna arinkaaga u warantay xaaskii boqorka kana codsatay in laguu guuriyo waxayna xaaskii boqorka ugu jawaabtay hala ii keeno hadii uu yahay mid kuu qalmo waan kuu guurin balse hadii uu noqdo midaan kuu qalmin laguuma guurinayp,  hada aniga waxaan waqtigaan kuugu imaaday inaan qasriga qaab qarsoodi kugu galiyo si aad xaaska boqorka ula kulantid,   lkn mid ogoow hadii arinteena ogaadaan ilaalada boqorka oo lagu qabto wey kuu dhamaatay oo isla goobta ayaa lagugu daldalayaa hadiise aad ka gudubto xaaska boqorka ayaad la kulmeysaa gabadha ayaadna guursaneysaa,   marka maxaad ka leedahay???”

Markaas ayaan ugu jawaabat “waan ku raacayaa wixii igu dhacaayo ha igu dhacaane nafteydana waan ku khamaarayaa”

Markaas ayuu igu dhahay “caawo markii la gaaro masjid hebel tag oo seexo anagaa meesha kuugu imaaneynee”

Markaas ayaan masjidkii tagay cishana meeshii ku tugtay kadibna seexday,  markii xiliga saxuurta la gaaray ayaa waxaa ii yimid labadii khaadim oo wadaan sanduuq weyn iyo alaab kale oo badan.

Kadib waxay igu qaadeen sanduuqii waxaana is arkay anoo gurigii boqorka dhex joogo, kadib waxaan meeshii ku arkay gabadhii markii ay I aragtay ayay hab isiisay oo I dhunkatay cabaarna ila sheekeysatay waxaana l iisii gudbiyay beerta qasriga halklaas oo aan kula kulmay jaariyadihii qasriga.

Waxyar kadib waxaa noosoo gashay xaaskii boqorka oo aad moodid wixii dahab aduunka yaalay iney ku labisantahay markaas ayay jaariyadihii kala tageen anaga boqoradii salaamay.

Kadib waxay igu tiri fariiso markaan fariistay ayay igu bilowday su’aalo iyadoo qofkaan ahay xaalkeyga iwm iga wareysatay.

In mudo ah markii aan sheekeysanay kadib ayay igu tiri nala jog mudo 10 maalmood ah intaan arinkiina ka xalinaayo waana aqbalay.

Kadib boqoradii waxay la hadashay boqorkii oo arinkeena ka dhameysay waxaana lagu balamay in naloo dhigo aroos aan caadi aheyn.

Aniga waxaan noqday mid aad u faraxsan waxaana sugi la’sanaa inta uu arooska ka dhacaayo ilaa laga gaaray maalintii dambe oo uu arooskii dhacay.

Markuu arooskii dhacay oo habeenkii la gaaray ayaa waxaa la ii keenay miis ay saaranyihiin nooc kasta oo cunto ah waxaana cuntadaas kamid ah cuntada la yiraahdo Zurbaajah (sheekada cuntada magaceeda sidaas ayaa ku qoran waana garan waayay macnahay laga wado cuntadaas sidaas darted anoon waxba ka badalin ayaan magaceede kusoo oo carabi ah meesha kusoo qoray).

Cuntadii zurbaajada ahey ayaan gudo galay inaan cuno kadibna meeshii ayaan kasoo kacay waxaanse ilooway inaan cuntada ka falxasho anigoo qolkeyga soo galay.

Waxyar kadib waxaa  la ii keenay gabadhii oo la galbinaayo qolka ayaana la iigu soo xareeyay, markii ay firaashka kusoo fariisatay ayaan waxaan ku bilaabay  dhunkasho iyo taabasho, lkn waxay si kadis ah u urisay faraheyga waxaana uga soo shiiray cuntadii zurbaajada aheyd ee aan ku cunay.

Markaas ayay halmar qeylisay waxaana meeshii soo galay jaariyadihii iyo khaadimyaashii, ana waan isku naxay anoonba ogeyn waxa dhacay.

Markaas ayay gabdhihii ku dhaheen maxaa kugu dhacay? Waxayna ugu jawaabtay midkaan waalan iga bixiya waxaan mooday inuu yahay mid caaqil ah.

Markaas ayaan ku dhahay “side ku ogaatay inaan waalnahay? Waxay iigu jawaabtay ayadoo aad u careysan “yaa cun ku dhahay zurbaajo? Kaaga sii daran adoon falxalan ayaad ii imaaneysaa wlhi baanan ku dhaafeynin anoon ku ciqaabin.

Sheekada halkaas markey mareyso ayay shaharzaad ogaatay in subaxii la gaaray waxayna joojisay hadalkii u banaanaa.

HABEENKII 29aad.

Habeenkii xigay markii la gaaray ayay shahar zaad tiri: boqorow markii gabadhii tiri wlhi baan ku dhaafeynin anoon ku ciqaabin  ayay waxay soo qaadatay sun weyn waxayna bilowday iney I garaacdo ilaa jirkeyga wada guduuto.

Markaas ayay khaadimyadii inta ii dhiibtay dhahday “doqonkaan iga hor wareejiya hana laga gooyo gacmihii uu geedkaas xun ku cunay”

Markaa ayaan dhahay ‘laa xowla walaa quwata ilaa billaah, ma waxaad gacmaha iiga goyneysaa geedkaas aan cunay iyo farxal la’aanta?”

Markaas ayay jaariyadihii kale ee meesha joogay dhaheen “toogtaan iska dhaaf oo ha u qaban gacmahana haka jarin”

Waxay ugu jawaabtay “waan dhaartay waana qasab inaan wax uun ka gooyaa”

Markaas ayay qolka ka baxday balse ayadoo xanaaq la kareyso ayay iisoo laabatay waxayna khaadimyadii amar ku siisay in afarta suul iga gooyaan ana waxay igu tiri ballan iga qaad inaadan markale zurbaajah cunin adoon 40 jeer gacmahaaga iska dhaqin,  markaas ayaan ballankii ka qaaday waana sababta aan markaad cuntada zurbaajada isoo hordhigteen u naxay 40jeerna u farxashay.

Kadib gabadhii waxay ii dhiibtay lacag aad u fara badan waxayna I dhahday guri weyn oo waasac ah inoo soo iibi qasriga waan ka guureynaaye sidii ayaana qasrigii uga soo guurnay.

Markaas ayuu muslimkii boqorkii ku dhahay sheekadaan haday ka yaab badantahay sheekadii weershaha fadlan nasii daa.

Boqorkii ayaa markaas ku jawaabay wax sheeko la yiraahdo oo aad sheegtay majiraan waana cantarbaqash iyo sheeko aan nuxur laheyn marka waa qasab inaan idiin daldalaa dhamaantiina.

Markii halkaas sheekada mareysay ayay shaharzaad sheekadii joojisay waxayna ogaatay in subaxii lagaaray.

HABEENKII 30aad.

Waxay tiri waxaa isoo gaartay boqorow in markii boqorkii uu dhahay waa qasab inaan idiin daldalaa ayaa waxaa kacay yahuudigii asigoona boqorkii ku yiri “boqorow anigaa kuu sheegayo sheeko ka yaab badan midaan weershaha ee naheysata”

Markaas ayuu boqorkii dhahay “soo daa waxaad heyso’

Yahuudigii hadalka wuxuu ku bilaabay; waxaan ahaa mid farsamo yaqaan ah, maalintii dambe ayaa waxaa la iiga yeeray guri si aan howl uga soo qabto.

Qalabkeygii ayaan soo qaatay waxaana soo aaday gurigii balse waxaan u imid wiil aad u qurux badan oo saran sariir aad moodid iney dahab tahay wuxuuna iila muuqday mid naafo ah ama buka.

Markaas ayaan howsheydii gudo galay markii aan soo dhameystay ayaana soo baxay waxaana u imid wiilkii anigoo u sheegayo inaan howshii u dhameeyay…

 

La soco qeybta 29aad habeen dambe xiligaan oo kale.

 

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 12-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 13-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 14-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 15-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 16-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 17-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 18-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 19-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 20-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 21-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 22-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 23-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 24-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 25-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 26-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 27-aad Fadlan RIIX HALKAAN