SHEEKADII XAASKEYGA JINNI BEY KA AHAATAY. Qeybtii 12aad.

Sheekada qeybtii hore waxay noo mareysay markii ay Amal u sharaxday xasan awooda alkaatuuga iyo siduu ku wajihi karo.

Markaas ayaan ogaaday in sidaan wax umaleynaayay aysan arinta aheyn alkaatuugana awoodii aan islahaa wey leeyihiin aysan laheyn sidaan filaayayna ay ka tabar daranyihiin.

Markaas ayaan amal ku dhahay “gartay waxay aniga alkaatuuga igu sameyn karaan iyo waxa aysan igu sameyn Karin ee adiga maxay kugu sameyn karaa maadaama aad isku aduun tihiin tiiyoo ay jirto inaad qawaaniintooda jabisay?

Markaas ayay igu dhahday “waxbadan xasanow waxay awoodaan iney waxbadan igu sameeyaan, ma ogi ciqaabta ay hadda I marsiin doonaan laakiin ma noqon doonto ciqaab fudud, waayo qofkii anaga naga tirsan ee insiga xiriir la sameeyo ciqaabtiisa ugu horeysa waxay tahay in guud ahaan xoriyadiisa laga qaado, waxba ma yeelan karo doorashana malahan , kadibna maxkamad ayaa la saarayaa xukunkiisana wuxuu noqonayaa dambiga uu galay heerka uu la egyahay, in insiga lala xiriirana ciqaabtiisa waxay ku xirantahay waxa kugu kalifay xiriirkaas.

“Laakiin in xiriir jaceyl aan insiga la wadaagno isla markaasna xiriir guur na dhex maro waa ciqaab aad u daran waxaase kasii daran inaad basharka kala sheekeysato arima khuseeyo aduunkeena gaar ahaan arimaha sirta noo ah taasi ciqaabteeda wuxuuba yahay in qofka isla waqtigaas dhimasho ku duceysto waayo dhimasho ayaa kun jeer u dhaanto dhibka uu la kulmi doono.”

Markaas ayay qososhay qosol sida qofka waalan oo kale isla markaasna uu qosolkaasi geesinimo ka buuxday waxayna igu dhahday “anigana ma jiro dambi aanan galin, xiriir ayaan kula yeeshay waana ku jeclaaday oo waa ikan ku guursaneyso, sirta aduunkeygana kaaga warameyso, wixiise igu dhacaayo ha igu dhacaano muhiim iima ahan”

Markaas ayaan ku dhahay “amal xabiibatii xayaatadeydii maxaa sidaan u sameysay? Maxaa dhacay ii sheeg qaali?”

Markaas ayay igu dhahday “waayo xasanow aniga waan ku jeclahay qalbigeyga ayaa ku jecel mana u yeerin karo qalbigeyga wuxuu sameynaayo, I rumeyso waan ku jeclahay waxaan ku jeclahay jaceyl waali ah muhiim iima ahan waxa kale ee aduunkaan ka dhacaayo adiga oo kaliya ayaa muhiim ii ah jaceylkaaga ayaa muhiim ii ah”

Markaas ayaan ku dhahay “ilaa iyo hada maxay kuu ciqaabi waayeen maxay kula sugayaan maadaama ay waxkasta ogaadeen maxay kula sugayaan?”

Markaas ayay qososhay amal waxayna igu dhahdid “ma rumeysan kartid”

Markaas ayaan dhahay maxaa waaye waxaas aaanan rumeysan Karin?

Markaas ayay igu dhahday “waayo aniga waan yarahay mana I ciqaabi karaan ilaa aan da’da qaangaarka ka gaarayo markaas kaliya ayayna I ciqaabi karaan”

Markaas ayaan anoo yaaban ku dhahay “adiga waadba yartahay miyaa?

Waxay iigu jawaabtay haa waan yarahay.

Markaas ayaan dhahay imisa ayaad jirtaa? Markaas ayay I dhahday hadii da’diina lala barbardhigaayo waxaan ahay 25 jir.

Markaas ayaan dhahay 25 sano ayaad jirtaa markaas ayaad ileedahay waa yarahay? Waxay iigu jawaabtay aduunkeena markii loo fiiriyo aniga waan yarahay.

Markaas ayaan ku dhahay waa imisa da’da aad ku qaan gaareysid ee ciqaabta kaaga dhiman?

Waxay iigu jawaabtay aniga da’da qaanuunka waxaan gaaraa markii aan 30 sano gaaro ama aan aqal galo oon guursado.

Markaas ayaan ku dhahay “alkaatuuga hada ma waxay ku sugayaan mudo 5 sano ah hadaadan guursan?

Markaas ayay I dhahday “maya xasanow mudadaas 5ta sano ah kuma sugayaan xitaa sanad kuma sugayaan waana hubaa midaas waxayna hada qorsheynayaan sidii aan ku guursan lahaa mid kamid ah qoyska alkaatuuga, markay ii guuriyaan kadibna waxay awood u yeelanayaan iney I ciqaabaan”

Markaas ayaan ku dhahay “oo qasab miyey kuugu guurin karaan?

Waxay iigu jawaabtay “maya waa qasab inaan aniga marka hore ogolaado, laakiin alkaatuuga waxay awoodaan iney in kabadan boqol wado ii soo maraan si uu guurkaan u dhaco qaanuunkana uusan u qabanin mana joojinayaan dhagarta ilaa aan shabaqooda ku dhaco ogowna aqoon kasta oo aan leeyahay markii agtooda la ila barbar dhigo waxaan noqonayaa qofaan waxba aqoonin”

Waxayna intaasi iisii raacisay “inkastoo xaalado badan oo nala mid ah ay dhaceen hadana majiro qof ka badbaaday gacanta alkaatuuga, guurka aan ku guursanayana wuxuu iga dhigayaa mid gaarta da’dii qaanuunka laakiin arinta wey sii cakirmeysaa waayo ima ciqaabi karaan markaasna ilaa ay iga kaa furan, waayo adiga ma tihid alkaatuug, wax awoodna kuguma lahan, laakiin wado kasta ayay noo soo marayaan si ay guurkaan u dhameeyaan iina ciqaabaan.

Marka xasanow wax walba adiga ayay kugu xiran yihiin iyo sidaad alkaatuuga nooga difaacdid, hadiise ay ku guuleystaan iney nakala geeyaan taasi waxay lamid tahay in labadeenaba noo dhamaatay, alkaatuugana ma quusanayaan ilaa ay nakala geeyaan si aanba tusaale ugu noqonin qeyrkeena”.

Markaas ayaan ku dhahay “marnaba ha cabsaninin nolosheydiiyeey qof nakala geyn kartaahi ma jirto iguna kalsoonow waayo waan awoodaa inaan tusaalaha koowaad ee jabkooda loosoo qaato aan noqdo”

Markaas ayay igu dhahday “waxba ha cabsanin hana ka fakarin iyaga xaqiiq waxaan noqon doonaa mid faraxsan oo kugu faanta inaan ku arko adigoo ilaa heerkaan isku kalsoon laakiin waa kuu muhiim inaad ogaato in kalsoonidaada aysan gaarin xadka kibirka.

Waa sax ma rabo inaad cabsato laakiin sidoo kalana ma rabo inaad awoodooda yareysato” Markaas ayaan ku dhahay “xabiibtii alkaatuuga waxasta oo ku saabsan waan ogaaday hada waxaana diyaar u ahay inaan wajaho umana maleynaayo iney maanta kadib awoodaan iney I cabsi galiyaan”

Markaas ayay ama isoo fiirisay eegmo I dareensiisay kibirka iyo isla weynida waqtigaas igu jirtay waxayna igu tiri “ma waxaad isku maleysay hada inaad ogaatay wax ku saabsan alkaatuuga iyo awoodooda? Mise waxaad isku maleysay ineysan sinaba kuu cabsi galin Karin?”

Markaas ayaan ku dhahay “haa “ isla markii uu hadalkaas afkeyga kasoo baxayba dhulka ayaa bilaabay inuu gariiro, waxaana ii muuqday iftiin aanan garaneynin halka uu ka yimaaday kaasoo indhaha iga qabtay waxaana maqlay cod weyn.

Qolkii dhamaa ayaa bilaabay inuu ila dhaqaaqo shey kastana wuu hoobanayaa oo dhulka ayuu ku dhacayaa dhamaan alaabtii guri ii taalay wey wada burburtay gurigiina dhulka ayaaba la go’ay.

Ma aqaano waxaan wuxuu yahay ma dhul gariirbaa toloow? Mise fulkaano ayaa gurigeena hoostiisa ka qarxay?

Waxaan isku dayay inaan albaabka guriga ka baxo si aan isugu dayo inaan nafteyda u badbaadsado laakiin aaway albaabkii horta meeluu ku yaalo kaala adiga sheeg waaba la’ahay. Waxaa ila soo daristay cabsi tii aheyd waxaana isdhahay waqtigii aad dhiman laheyd ayaa la gaaray fikir kasta oo dhimasho la xiriirana caqligeyga ayuu ka buuxsamay.

Ehelkeygii maxaa ku dhacay toloow? Ma dhinteen mise waa noolyihiin? Qof ka badbaaday tolow ma jiraa? Waxaana dareemay in dhamaadketygii lasoo gaaray…

La soco qeybta 13aad oo xiiso leh.

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 1-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 2-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 3-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 4-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 5-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 6-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 7-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 8-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 9-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 10-aad fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan aqrisanin sheekada qaybta 11-aad fadlan RIIX HALKAAN