SHEEKADII XAASKEYGA JINNI BEY KA AHAATAY. Qeybtii 9aad muxuu ku dhamaaday guurkii xasan iyo amal?.

Sheekada xalay waxay noo mareysay markii ay amal ku dhahday fikrada guurka waan aqbalay.
Markay amal saas I dhahday ayaan dareemay farxadii aduunka inaan qeyliyo waxyar ayaa iga xigtay.
Markaas ayaan inta u soo dhawaaday oon gacanteeda qabsaday si naxariis leh ayaan ku dhahay “Amal gacaliso hadalkaaga run miyaa hada oo ma iga aqbashay?” hadalkaasna inaan dhaho waxaa iga keenay kaliya inaan hubsado.
Markaas ayay gacmaheyga si fiican u qabsatay sidii iney ileedahay marnaba haka shakinin waxaana daqiiqadahaas dareemay micnaha ay farxada leedahay markaas ayaan dhahay “Amal ilama kaftameysid soo ma ahan?”
Waxay iigu jawaabtay “maya xasanow arimaha ceynkaan ahna kaftan ma galaan ee hada maxaan sameynaa?”
Waxay hadalkaas I dhahday iyadoo aad ii dhuganeyso dhoola cadeyntana aysan marnaba afkeeda ka marneen waxayna sugeysaa waxa afkeyga kasoo baxayo iyadoo og waxa maankeyga ku jiro.
Amal arooskii wey ogolaatay, marka maxaa la iiga baahanyahay inaan sameeyo?
Kaliya waxa maskaxdeyda kusoo dhacay waxay noqdeen xaflad, nikaax, faraanti, gurbaan, iyo asxaabteyda iigu dhaweyd.
Wuxuuse qosol iga soo faktay markii ay maskaxdeyda kusoo dhacday anoo hooyadey ka dalbanaayo in Amal iiga doonto reerkooda Jinniga ah kkkkkkkkk waxaana hadana sii niyeystay sodohdeyda Jinniga ah yaa salaam kkkkkk tolow sodohdaas maalin hadey igu xanaaqdo maxay igu sameyn doontaa??
Afkaartaas qosolka iyo waalida ka buuxaan ayaa maankeyga ku wareegaayo, halka Amalna ay aheyd mid si dagan ii daawato markaas ayay igu dhahday “ooh xasan” sidii iney sugeyso inaan is dhiibo oo ay sugitaankeyga ku daashay.
Markaas ayaan ku dhahay “gacaliso aniga waxba ma ogi waana garan la’ahay halkaan wax ka bilaabi lahaa ee adiga I caawi, side isku guursanaa?”
Markaas ayay I dhahday iyadoo qosleyso “makaa dhab-baa? Ok xasanow aniga waxaan ku dhihi lahaa qaabka aad isku guursataan waa qaab qurux badan waxaana jeclaan lahaa in qaabkaas oo kale guurkeena u dhaco”
Markaas ayay hadana markale qososhay waliba toogtaan qosol aan caadi aheyn ayaa afkeeda kasooo baxay, markaas ayaan ku dhahay “Amal kaftanka naga dhaaf waa iga dhab ee i caawi side isku guursanaa?”
Markaas ayay igu dhahday “hagaag xasanow aan kaftanka meel iska soo dhigno, dabcan kuguma guursan karo qaabka uu guurkiina u dhaco lkn waxaan isku guursaneynaa qaabka uu guurkeena u dhaco, lkn qaar kamid ah shuruudaha ayaan ka tageynaa sida in arooskeena uusan qofna soo xaadirin, mana jireyso qof soo xaadiri karto waayo qofkasta oo soo xaadiraa wuxuu la kulmayaa ciqaab daran, imaatinkiisana waxay la micno tahay inuu jabiyay qawaaniinta aduunkeena u dagsan, tan ugu muhiimsana waxay tahay inaad adiga fahamsantahay falka aad ku kaceysid, waayo fikrada guurka ee aad daqiiqado gudaheeda ku qaadatay kaliya aduunkiina ayaa laga helaa waayo hadii aad u aragtid mid aad ku dagdagtay waxaad heli kartaa kun wado oo aad uga leexan karto lkn anaga arinkeena saas waa ka duwanyahay waayo dhankeena ma ahan wax si fudud looga wareegsan karo, tiiyooba ay jirto inaan ka guursanayo aduunka basharka kasoo jeedo taasoo arinka waxbadan sii cakiri karto, intaas waxaa sii dheer in guurkaan uuba gabi ahaan ka hor imaanayo nadaamyada aduunkeena u dagsan”
Markaas ayaan ku dhahay “Amal aniga wax walba waan fahamsanahay waxaana wax walba u ahay diyaar”
Markaas ayay hadana igu dhahday “xasanow adiga adoon waxba fahamsaneen ayaad leedahay waan fahamsanahay runtana waxay tahay inaadan wali wax fahmin ee ha dag-dagin, waayo markaad I guursato waxaad ku xirnaan doontaa oo qasab kugu ah inaad aduunkeyga igula noolaato, mana awoodid inaad ku noolaatid waxaadna sidoo kale weyneysaa in badan oo xoriyadaada kamida ah, mana jiraayo shey adiga kuu gaar noqonaayo, lama kala geynaayo waxa aniga I quseeyo iyo waxa adiga ku quseeyo, mana awoodi kartid inaad guursato ama xiriir la yeelato gabar dambe oo insi ah, hadii aad sidaas sameesana waxay la micno tahay inaad burisay balantii guurkeena hadaan warka kuusoo koobana guurkeena wuxuu la micno yahay mid waxkasta soo koobayo markii laga reebo waxyaabaha aan rabitaankaaga iyo rabitaankeyga ku xirneen sid ailmo dhalida “
Waxay intaas ii raacisay “intaanan kaa tagin hada waxaa kuu sheegayaa inaad hada awoodid waliba si fudud u awoodid inaad xiriirkaan jartid wixii na dhexmarayna xusuus ahaan u heysatid, hada waan kaa tagayaa ee warkii aan ku dhahayna si dagan uga fakar adoo go’aan qaatayna aan kuusoo laabto”
Kadibna wey iga tagtay weyna iga qarsoontay.
Waan fikiraywaxaan is weydiiyay side xiriirkaan ku joojin kartaa sooo amal ma jeclid? Side la’aanteeda u noolaan kartaa? jaceylkaaga miyuusan aheyn mid sal adag leh? Maya macquul ma ahan, amal wax iga hor istaagi karo majiro waan jeclahay inta nolosheyda ka dhimana iyadaan la qaadan doonaa.
Waan sugay inta ay iiga soo laabaneyso si aan go’aankeyga kama dambeysta ugu sheego, wixii aan sugaba ugu dambeyn wey imaaday.
Markii aan sidaas u arkay ayaan halmar lasoo booday hadalkeyga sidii inaan hadalka boobaayo oo kale anoo leh “Amal gacalisadeyda waan ku guursanayaa mana jiro noole aduunkaan ku nool oo nakala geyn karo xitaa hadii aan nafteyda ku weynaayo, waayo nolosheyda adiga ayaan kuu hibeeyay”
Markaas ayay igu tiri iyadoo si dagan ii eegeyso “waan ogaa xasanow inaad go’aankaan qaadaneyso waxa kaliya ee aan rajeynayo maantana waa inaadan maalin aadan go’aankaan ka shalaayin”
Markaas ayaan ku dhahay “Amal macaantadeydiiyey lagama yaabo inaan go’aankaan ka laabto mana jiro qof go’aankaan iga celin karo xitaa hadii aduunkaan wada mugdiyoobo waayo dhoola cadeyntaada ayaa aduunka ii ifineyso”
Markaas ayay igu tiri “xasanow aniga xitaa waan ku jeclahay jaceyl igu kalifay inaan waxkasta diido”
Markaas ayaan ku dhahay “gacalisadeydii qaaliga aheydey soobax nawad aan jaceylkaan aroos taaj uga dhignee si aan inta cimrigeena ka dhiman isula noolaano”
Markaas ayay ii dhoolo cadeysay kadibna igu dhahday “qaabka aad isku guursataan miyaad rabtaa mise qaabka aan isku guursano?”
Waxaan ugu jawaabo “midkuu doono ha ahaadee kaad adiga ku qanacsantahay ayaan rabaa”
Markaas ayay igu tiri “ok” kadibna iisoo dhawaatay oo gacanteeda bidix ku qabatay gacanteyda bidix ilaa ay faraheena is dhex galaan waxayna igu tiri “aan ku dhawaaqno inaan noqonay dad isku xiran sidii ay gacmaheena hada isugu duubanyihiin sidaan: waxaan ku dhawaaqayaa rabitaankeyga inaan guursado xasan kaasoo aan u jeedo misna horteyda taagan codkiisana aan maqlaayo, gacantiisa bidixna aan heysto, joogistiisana aan dareemaayo”
Markii ay balankeeda dhameysatay waxay iga dalbatay inaan sidoo kale dhaho waxaana dhahay “waxaan ku dhawaaqayaa rabitaankeyga guurka Amal, taasoo aan u jeedo oo horteyda taagan, codkeedana aan maqlaayo, gacanteeda bidixna aan heysto, joogitaankeedana aan dareemaayo”
Hadalkii ayaan dhameeyay xili ay iyadana aad iisoo fiirineysay walina labadeena gacmood is heystaan, jawiga dhana waxaa hareeyay aamus anigoo isweydiinaayo talaabada xigta waxay noqon doonto, iyo waxa dhici doono maadaama aan xaas noqonay, xili uu aamuskana bilaabay inuu igu dheeraado isla markaasna aanba dareemay inuu I gubaayo sabarkana iga dhamaanayo, markaas ayay Amal gacanteyda ka fuqday oo dhowr talaabana iga fogaatay iyadoo sariirtana isku tuurtay waxayna igu dhahday”…..

La soco qeybta 10aad.
W.T. Cabdiraxmaan Anteeno.