SHEEKADII XAASKEYGA JINNI BEY KA AHAATAY. Xasan ma awoodaa in alkaatuuga wajaho? Qeybtii 11aad.

Waxay qeybtii hore noo mareysay  Markii aan anoo yaaban ku dhahay “side iiga ogaadeen goormeena iga ogaadeen? Waayo aniga qofna xiriirkeena uma sheegin, aniga qofna ma arkin mana la fariisan jinni ha ahaato ama kaatuu ha ahaado ama xitaa qof kale”
Markaas ayay igu dhahday “imaqal xasan arinta aad ayay ugu fududahay waayo waxaa kugu filan in mid kamida ah Alkaatuu uu kula fariisto adigoo aanan dareemin wuxuuna kaala sheekeysan karaa mowduuc kastaa inta sheekada socotana oo maankaaga inaad la sheekeysaneysid aad isku maleysid waxaa xusuustaada kusoo dhici karo xiriirkeena wax ku saabsan alkaatuuna si fudud ayuu afkaartaada ku akhrin karaa wax kastana ku ogaan karaa, khaladka aniga ayaa leh aad ayaan uga xumahay maadaama aanan ku barin sida aad insiga aad la sheekeysato uga sooci laheyd alkaatuuga”
Markaas ayaan ku dhahay maxay awoodaan iney nagu sameeyaan jinniga?

Markaas ayay inta qaab naxariis leh ii soo fiirisay igu tiri “wax kasta xasanow waxay awoodaan iney waxkasta oo caqliga suureysto kugu sameeyaan, waase intii ay cabsi kugu jirto”

Markaas ayaan bilaabay inaan suureysto tobaneeyo qaab oo ay jinniga ii waxyeeleyn karaan waxaana isku dayay inaanan u muujinin inaan cabsanayo anoo og in mowjad cabsi ah aan dhex dabaalanyo.

Markaas ayay inta Amal ii dhoolo cadeysay igu tiri si ay kalsooni iigu soo celiso “xasanow ogoow alkaatuuga waxay awoodaan iney waxkasta kugu sameeyaan intaad daciif agtooda ka tahay lkn waad awoodaa inaad kahor tagtid oo aad wajahdid xitaa waxaad awoodaa inaad noqoto mid iyaga ka xoog badan waase hadii aad adiga doontid”

Waxay kaloo igu tiri ‘ogoow awooda alkaatuuga waxay kasoo jiitaan dadka kale dacfigooda iyo cabsidooda markasta oo aad daciif tahay cabsina kugu jirto wey kaa awood badanyihiin”

Markaas ayaan weydiiyay “amaleey adiga soo wax ma sameyn kartid  maadaama aad iyaga kamid tahay isla markaasna aad sidooda oo kale u awood badantahay, marka ma awoodid miyaa in aad sameyso wax aan mushkiladaan uga baxsan karno?”

Markaas ayay igu tiri “fiicnaan laheydaa hadii aan awoodi lahaa waayo alkaatuuga ayaa aniga waxbadan iga awood badan, waxaana sidoo kale u hogaan-samaa qawaaniintooda, waxkasta oo aan sameyn karana adiga ayuu kugu tiirsanyahay waayo adiga qawaaniintooda uma hogaansantid sidaas awgeed hadii aad hadalkeyga yeesho waad ka awood badnaan kartaa’

Hadalkii ay Amal I dhahday cabsidii I heysay ayuuba cabsi kale iigu sii daray waxaana Is dhahay hadiiba amal oo awoodii aan arkaayay laheyd ka cabsaneyso sideenan anigoo tabartaan leh uga cabsan Karin waliba anoon ogeyn waxay yihiin iyo xiliga ay soo baxayaan?”

Markaas ayaan hadana is dhahay “alla rabiyow dhiiqadaan aan lugahalagalay maxay aheyd?”

Markaas ayay igu dhahday sidii iney iga careysantahay “ok cabsidaan wey ku dili doontaa.  Maxay tahay fuleynimadaan? Cabsi ayaaba caqligaaga qalajisay intii aysanba wali wax kugu dhicin, uma maleyneynin inaad sidaan dhan fulay u tahay ee ogoow in cabsidaan kaa buuxdo uu yahay dhamaadkeena “

Markaas ayay hadana ii raacisay “xabiibii  waan ku baryaa waqtiga ha iska dhuminin ee baro sidaad u wajihi laheyd”

Markaas ayaan dhahay “sideen u wajahaa amaleey ii sheeg sideen u wajihi karaa?”

Markaas ayay I dhahday “intaad cabsida ku heyso iska saarto waa tilaabada koowaad ee aad ku jabin laheyd alkaatuuga”

Markaas ayaan bilaabay inaan is celiyo oo geesinimo iska doono, waxaana soo xasuustay murtidii aheyd “ marba hadaad dhimaneyso oo dhimashada qasab tahay waa kugu ceeb adoo fulay ah inaad dhimato” markaas ayaan weydiiyay “hada maxaa la iga rabaa inaan sameeyo?”

Markaas ayay igu dhahday “ugu horeyn waa inaad ogaataa in sida aad u maleysaan adiga iyo reer tolkaa ee basharka ah taasoo ah in aduunka kale idinka xoog badanyahay waxay doonaanan sameyn karaan waa sawir khaldan oo aad si khaldan u fahamteen, sidaan aniga ogahayna iyo intaan aduunkeena ka ogahay alkaatuuga ma awoodaan in wax dhib ah kuu geystaan dhibkaasoo ah mid la taaban karo.

Ma awoodaan iney ku cadaabaan ama ay ku dilaan ama ay inta meel kaa wadaan meel kale ku geeyaan hase yeeshee insaan kasta wuu awoodaa inuu si toos ah dhib kuugu geysto balse alkaatuuga taasi ma awoodaan.

Hase yeeshee sawirka khaldan ee aad naga aaminteen kaasoo ah inaan awoodno inaan qasriyo dhisi karno ama ama aan magaalo dhan mudo yar ku dumin karno ama waxkasta aan awoodno waa sawir khaldan oo aad waliba si khaldan u fahamteen kaasoo idinka dhigay makhluuqaatka kuwooda ugu daciifsan uguna liita.

Marka hada xasanow ma fahamtay waxaad mudo dheer fahmi la’eed?

Markii ay hadalkaas I dhahday ayaan farxad dareemay waayo cadowgeyga Jinniga  kaasoo aan mooday inuu waxkasta igu sameen karo waxay noqotay wax iska khiyaali ah oo aanba run aheyn, waxaana markaas dareemay farxad badan iyo daganaan, waxaana iisoo laabatay dhoola cadeyntii iyo qosolkii  mana jirin waqtigaas waxaan ka cabsaday.

Markaas ayay amal igu dhahday ‘waa wax qurux badan inaad dib usoo ceshatay geesinamadaada kadib markii aad dareentay in cadowgaaga daciif yahay waxaana rajeynaa in geesinamadaan aysan marnaba kaa tagin isla markaasna aad hadalkeyga si fiican u fahamtay kaasoo ah in alkaatuuga in dagaaladooda aysan marnaba adeegsan qalab lagu dagaalamo iyo wax walba oo la taaban karo mana awoodaan in wax dhaawac kuu geystaan hana cabsan xabiibi waxaadna ogaataa marba hadaad cabsi xagooda ah dareentid waxkasta oo aad ku dagaalantid xitaa ha ahaadaan diyaarad ineysan alkaatuuga kaa celin Karin intaad cabsi dareemeyso.

Ogoowna alkaatuuga markey dagaal insaanka la galayaan wuxuu adeegsadaa maskaxdiina waa sax oo kuma dili karo lkn wuxuu awoodaa inuu kaa dhigo mid naftiisa dila, mana awoodo in dhaawac muuqda kuu geysto lkn wuxuu awoodaa inuu kaa dhigo mid naftiisa dhaawaca waxay ugu jecelyihiina waa iney ku waalaan waana arin farxad galisa waalidaada,   waalidana waa qaabka uu ugu jecelyahay alkaatuuga marba haduu maskaxdaada la wareegana siduu doono ayuu kaa yeelaa ilaa uu kaa takhaluso.

Markasta alkaatuuga wuu ku cabsi galiyaa si aad uga cabsato lkn hadii aad geesi iska dhigto oo aad marnaba cabsan dagaalka aad alkaatuuga la gali doonto wuxuu kamid noqonayaa kuwooda ugu cakiran uguna halista badan ogoowna hadaad daciif noqoto inyar xitaa ha ahaatee waa kuu dhamaatay  markaasna aniga ayay ii dhamaaneysaa  hada ma I fahamtay xasanoow??

La soco qeybta 12aad oo xiiso leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*