SHEEKADII XAASKEYGA JINNI BEY KA AHAATAY. Xasan oo guur dalbaday iyo jawaabtii amal bixisay. (qeybtii 8aad).

Sheekada waxay noo mareysay markii amal xasan ku tiri “xasanow aniga waxba uma gogol xaarayo, lkn markii aan kaa fikiro waxaan dareemaa iney kuu roontahay in xiriirkeena halkaan ku ekaado”
Markaas ayaan ku dhahay “aniga waan ku jeclahay kuna caashaqay mana doonayo inaan la’aantaa noolaado”
Amal ayaa iigu jawaabtay “aniga xitaa waan ku jeclahay xasanow”
Yaa ALLAAH maxaa ka qurux badan erayga Jaceyl ee afkaaga kasoo baxaayo plz mar kale I dheh xitaa hadaan dhimanaayo”
Markaas ayay amal hadalkeyga ku qososhay anna qosolkeeda ayaan ku qoslay waxayna I dhahday “lkn xasanow inaad iga dhimato ma rabo, ha waa xaqiiqo waan ku jeclahay lkn taasi waaqica taagan waxba kama badaleyso, ogowna jaceylkaan waa waali inaan sii wadnana waa waali kale, mana noo keenaayo waxaan dhib iyo rafaad aheyn, waayo adiga aduun kuu gaar ah ayaad kasoo jeedaa ana sidoo kale aduun ii gaar ah ayaan kasoo jeedaa, mana awoodo jaceylkaan in dabeecada nolosha wax ka badalo”
Markay saas I dhahday ayaa waxaa maskaxdeyda kusoo dhacday fikrad waali ah taasoo aan xitaa qarsan kari waayay waxaana si kadis ah ugu dhahay “Amal xabiibteyda kawaran hadaan is guursano?”
Markii aan saas dhahay ayay Amal la dhacday qosol aan caadi aheyn waxaana ka cabsaday sidey u qosleysay darted ineyba qosol la suuxdo lkn waxaa ceeb ka hufan allihii waxkasta abuuray, allihii amal abuuray maxaa ka qurux badan qosolkeeda??? Waxaana gudo galay quruxda qosolkeeda inaan iska daawado.
Markii ay qosolka dhameysatay ayay igu tiri “xasanow caqligaaga mala socdaa waxa afkaaga kasooo baxaayo? Oo miirkaaga ma qabtaa?
Markaas ayaan ku dhahay “haa, maxaa ku jaban hadaan is guursano?
Wey iga aamustay waxayna gudo gashay iney aad ii fiiriso markaas ayay bishimaheeda dhoola cadeyn yar muujiyeen waxayna igu tiri “ hubaal adiga waa waalatay, adigoon waxba iga aqoonin sidoo kalana aduunkaan kasoo jeedo la soconin hadaaba rabto inaad I guursato’
Markaas ayaan ku dhahay “aniga adiga oo kaliya ayaan u baahanahay nafteydana adiga oo kaliya ayay dooneysaa waxba igama galin aduunka aad kasoo jeedo iyo midka aan kasoo jeedo ee inaan ku guursado ma wax mustaxiil baa oo aanan haba yaraatee dhici Karin??”
Markaas ayay markale aamustay isla markaasna fikir dheer gashay markaas ayay cod dagan oo aad moodo in ceel dheer kasoo baxay igu tiri “maya xasanow taasi mustaxiil ma ahan lkn waa waali, maya ee waaba ishii waalida qudheeda”
Waxaan ugu soo jawaabay “kusoo dhawoow waalida marba hadaad adiga qeyb ka tahay”
Waxay igu tiri “xasanow adiga waxba ma ogid aniga waan kuu cabsanayaa waxaana ka cabsanayaa dhibaatada kugu soo socoto ee aad dartey u mari doontid”
Markaas ayaan ku dhahay “aniga waxaan diyaar u ahay inaan aduunkan dhan wajaho hadiiba marba arinka ku xiranyahay guurkaaga”
Markaas ayay igu tiri “ok xasan, side rabtaa inaad ii guursatid?”
Waxaan ugu jawaabay “sida dadkoo dhan isku guursadaan”
Markaas ayay igu tiri “lkn aniga dad ma ihi??”
Markaas ayaan ku dhahay “markaas sida jinka isku guursadaan ayaan kuu guursan”
Waxay igu tiri “lkn adiga aduunkeyga kama soo jeedid side la yeelaa?”
Markaas ayaan dhahay “Amal plz arinta ha cakirin”
Waxay iigu jawaabtay “ok, xiriirkeenaba waan sii wadan karnaa guurka la’aantiisa”
Markaas ayaan dhahay “lkn waxaan rabaa inaad markasta ila joogtid”
Waxay iyadoo yaaban iigu jawaabtay “oo ma waxaa u maleysay hadaan si guursano inaan markasta kula joogaayo?”
Waxaan dhahay “oo maxaa dhacay amal yaa diiday?”
Waxay iigu jawaabtay “aniga ma ihi insi aad adiga lahaaneyso”
Waxaan dhahay “aniga waan ku jeclahay, inaan ku guursadana micnaheeda ma ahan inaan ku lahaanayo”
Markaas ayay igu tiri “marka muxuu u taaganyahay guurka ?”
Waxaan ugu jawabay “wuxuu u taaganyahay inaan ku jeclahay isla markaasna aan doonayo inaad lajirkeyga ahaato, midkasta oo naga mid ahna dareemo inaan hal ruux nahay, xabiibtii hadii aan hadalka kuu cadeeyana aniga xitaa ma awoodo inan dareenkeyga kuu cabiro”
Markaas ayay I tiri “hagaag maxaa nalaga rabaa hada?”
Waxan dhahay inaan is guursano.
Waxay igu tiri “siduu guurka ku dhacayaa kuna dhamaanayaa?”
Markaas ayaan aamusay waayo aniga waan aqaanaa qaabka uu guurka insiga u dhaco inta badana rabitaanka labada qof marqaati meher iyo xaflad ayaa la sameeyaa xitaa hadii dadka isku diin aheyn intaas waa laga mideysan yahay lkn guurka jiniga maxaa la iska rabaa ma anaa aqaano.
Markaas ayaan dhahay “Amal ma ogi lkn markaan arinka ka fikiray waxaan is dhahay waxaa wanaagsan in arooska u dhaco qaabka dadka u dhigtaan”
Markaas ayay iyadana cabaar aamustay kadib ayadoo dhoola cadeyneyso ayay igu dhahday “ma ogtahay xasanow afkaartaada waalan waxaad moodaa iney I jiidaneyso”
Markaas ayaan farxay maya farxad darted ayaanba la bood booday anigoo ku faraxsan in fikradeyda ayba la dhacsantahay waxaana ku dhahay “oo hada fikradeyda waa aqbashay miyaa?”
Wey isoo fiirisay ayadoo waliba indhaheeda waaweyn aad iigu soo kuurtay waxayna u qososhay si cajiib ah ayadoo ileh “haa waan kugu raacay fikirkaaga waana aqbalay”

La soco qeybta 9-aad.

WT. Cabdiraxmaan Anteeno.