Sheeko cajiib ah.


Wiil boqor dhalay ayaa gabar caqli badneyd reer Ka doontay, wiilkii waxuu kaxeystay adoonkii u shaqeyn jiray, markey meel dhexe marayeen, ayay haraadeen, kadib waxey arkeen Ceel laakiin wax ay darsadaan ayay waayeen,

wiilkii Boqorka dhalay ayaa adoonkii ku yiri gal aan kaa soo bixiyee markaad cabtide, adoonkii markuu Ka cabay, ayaa wiilkii boqorku dhalay Ka caawiyay inuu ceelka kasoo baxo, wiilkii Boqorka dhalayne markiisii ayuu galay biyihiine Ka soo cabay, lkn markuu cabay kadib ayaa adoonkii diiday inuu caawiyo,

balse uu caawinayo hadii uu gabadha isaga guursanayo, waayahay ayuu wiilkii boqorka dhalay yiri markaas ayaa adoonkii caawiyay, markii ay tageen gurigii gabadha ayaa adoonkii oo booskii wiilka galay la siiyay gabadhii, gabadha mid caqli badan ayay ahayd oo waxey garatay in aan Ninku kii loogu tala galay uusan ahayn, markaas ayay waxey ku tiri waalidkeed ninkaan waan Ka shakiyay, ee waxaan rabaa labada ninba inaan imtaxaan Ka qaado, waalidkiine wey ku raaceen hadalkii gabadha, labadii nin mid walba sadex suaal bey waydiisay oo ahayd.

1) meel aad seexato halkee kuugu dugsi badan?
2) waxaad cunto maxaa kuugu macaan?
3) waxaad qaado maxaa kuugu culus?
Adoonkii waxuu ku jawaabay sidatan;

1: meel aan seexdo waxaa iigu dugsi badan gurigayga.

2: waxaan cuno waxaa iigu macaan cuntada heblaayo.

3: waxaan qaadane waxaa iigu culus calool maran cagaheeda.

Wiilkii boqorku dhalayne waxuu ku jawaabay sidatan.

1- meel aan seexdo waxaa iigu dugsi badan boqol nin oo tolkay ah dhexdooda.

2- waxaan cunane waxaa iigu macaan cantuuftayda.

3- waxaan qaadane waxaa iigu culus Axdi ama ballan.

Markaas ayaa waxaa la ogaaday gabadha waxa ay ninka uga shakiday inay wax sax ah yihiin, sidii ayaana wiilkii boqorka loogu guuriyay adoonkiine lagu xiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*