[Sheeko Cajiib ah – Dhibaatada  Maseerka


Waxaa Jiray hada kahor, Nin odey ah iyo xaaskiisa, mudo ayay is qabeen, wax ilmo ahna meysan isku dhalin, Xaaskiisa Mar walba waxay kudhihi jirtay: Guurso waxaa macquul ah ilaahay in uu ilmo kaasiiyo xaaska kale ee aad guursatid,

asigana mar walba wuu ka diidi jiray, asigoo dhahaaya xaas adiga aan eheen ma rabi, dagaal iyo qashqashaad iyo maseyr naag kugu fureyso marabi, ayadana waxay dhihi jirtay, maya aniga wax walba waan u dulqaadan karaa, Mudo Sanado ah ayay dhahaysay Guurso,

markii danbe wuu ka ogolaaday, Safar ayuu aaday, markii uusoo laabtay, gurigiisa qol kamid ah ayaa waxa uu dhigay (AASHUUN) bahalkaan dadkii hore biyaha ay ku keedsan jireen, Aashuunkii ayuu ugu labisay si dumar camal, qol dhan ayuu khaas oga dhigay, isla guriga xaaskiisa iyo asiga ee isla degnaayeen waaye,

marka xaaskiisa waxay u qaadatay, in uu naag soo aroosay, way u hanbalyeesay, ilaahay amarkiis maalintii koowaad markii uu magaalada kasoo laabtay, oo guriga uu imaaday, ayaa waxa uu arkay xaaskiisa oo ooyneysa oo dheheesa, maanta dhan waa la icaaynaayay waana la ibahdilaayay, markaasuu dhahay: yaa sidaas ku yeelay adigoo xaaskeyga ah??,

markaasey dhahday: Naagtaan aad hada soo guursatay ayaa i caayneesay, Markaasuu gacanta kasoo qabtay, qolkii ayuu furay, bir ayuu darbiga kasoo bixiyay, birtii ayuu bilaabay in uu ku garaaco aashuunkii meesha yaalay,

madaxa ayuu garaacis oga bilaabay, markii uu jajabay aashuunkii, oo dhoobadii uu kasameesnaa iyo dhagaxii ay soo daateen, ayay naagtii yaabtay, markaasuu dhahay: wax ma aragtay, markaasey dhahday: Aashuunkan naftirkiisa dhagax hadii uu kasameesanyahay xataa Naag waaye

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*