Sheeko Yaab leh! Dalka Maraykanka oo laga oggol yahay in la guursado hablaha 12 Jirka ah, (Sawiro)

Sharci dajiyeyaasha Maraykanka ayaa la tacaalaya arin fara kulul ku haysa dalka Maraykanka oo ah shuruuc ogolaanaysa in gabdhaha 12 Jirka ah la guursan karo.
Gobolka Virginia, waxaa caadi iska ah oo sharci ka ah in la guursan karo gabdhaha jira 12 illaa 13.

Gobolka Virginia wuxuu dagaal ugu jiraa in da’ada guurka ee hablaha laga dhigo 16 kaliya. Dadadalkaasi oo kale wuuxu ka socdaa, Gobolka Maryland iyo New York, halkaasi oo in ka badan 3,853 caruur ah lagu guursaday intii u dhaxaysay 2000 iyo 2010, sida ay xustay New York Times.

Qoraal kale oo soo baxay ayaa sheegaya in Maraykanka uu meel hoose kaga jiro dalalka hablaha lagu guursado da’adii caadiga ahayd, haba ugu darnaado gobolka Massachusetts – oo ogolaanaya in la guursado gabdho ka yar ama le’eg 12 sano.
Dalka Maraykanka waxaa la bar bardhigay Sucuudiga iyo Yemen oo gabdhohooda u ogol in lagu guursado 13 sano .

Dalka Ingiriiska sharciga wuxuu ogolaanayaa in la guursan karo gabarta markay gaarto 16, marka ay waalidku ogolaadaan.

Bishii July dawladda Spain ayaa ku dhawaqday da’ada gabdhaha lagu guursan karo In xoogaa sare loo qaaday lagana dhigay 14 iyo 16 sano.