Sheeygii Ugu Qaalisana Abid SRK Iibsado Maanta Waxuu Ku Fadhiyaa Sheeygaas 200 Crore!!

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan waa jilaaga labaad ee ugu qanisan ama ugu taajirsan aduunka xiligaan waxaana hantidiisa lagu sheega in ka badan $650 Million waa marka la isku daro hantiida maguurtada ah iyo mida kaleba.

Khan ayaa laga soo xigtay dhowaan sheeyga ugu qaalisan abid uu iibsaday in maanta sheeygaas qiimo ahaan uu kufadhiyo lacago gaarayaan 200 Crore balse xiligaas uu ku iibsaday 13.32 Crore.

Waxaan ka hadleena Khan iyo aqalkiisa Mannat ee ku yaala magaalada Mumbai, Mannat waa guri qasri weyn ah oo uu xiidgaan hader ku nool yahay waana guriga taageerayaashiisa sanad walba kusoo booqdaan.

SRK gurigan markii hore qeyb kamid ah ayuu kiro ama ijaar ugu jiray 90-maadkii oodhan balse sanadkii 2001 ayuu si rasmi ah u iibsaday qasrigan isagoo ka bixiyay 13.32 Crore oo maanta u dhiganta 200 Crore.

Dhowaan wareysi uu bixinaayey xili Zero uu xayeysiinayey ayaa la ogaaday arinkaan waana sheeyga ugu qaalisan qiimo ahana ee uu xidigaan iibsado maadama sanadkii 2001 mushaarkiisa ahaa 8 Crore uu lacago kale kudarsaday kadibna ku iibsaday gurigaan.

Dhanka shaqada waxaa tiyaatarada u saaran filmkiisa Zero ee uu ninka gaaban kujilaayo balse waa film bur buray ganacsi ahaan maadama xitaa 100 Crore cimri ahaantisa uu gaari la’yahay xitaa 90 Crore ma gaari doono dhowan ayuuna tiyaatarada ka dagi doonaa.