Shimbiraha Cusub Kartik Aryan Iyo Ananya Oo Dib U Samayn Doonan Filimkii Caanka Ah Ee Patna Patna Aur Woh

aktarada dhawaan-galka ah ee kala ah kartik aryan iyo ananya pandey ayaa waxaa si weyn loo hadal-haaya inuu ka dhaxeeyo xariir jaceyl maadaama markasta la arko iyagoo si wadajir ah magaalka waqti wacan ku qaadanayaan

gabadhan u dhalay halyeeyga lagu magacaabo chunky pandey ananya pandey ayaa waxa ay sanadkan kusoo caan bixi doonta filimka student of the year 2 iyadoo aktarada ay isku xilliga ahaayeen ay helayn saxiixa filimkooda labaad

sida sara ali khan oo durba samaysay filimkeeda labaad kaaso ahaa simmba halka tara sutaria oo ananya ay isla samayn doonan filimka student of the year 2 ayaa waxa ay hore u saxiixatay filimka weyn ee marjaavan

sida ay hadda ay soo warinayso majalada DNA ananya ayaa waxa ay heshay saxiixa filimkeeda labaad iyadoo dib u samayn doonta filimkii jaceylka ee lagu magacaabo patna patna aur woh ee sanjeev kumar hogaamiyaha ka yahay

kaaso la daawaday 1978 ananya ayaa waxa ay jili doonta doorka vidya sinha  waxaana filimkan soo saare ka ah ninka lagu magacaabo juno chopra kaaso hadda qal-qaalinayo booska sanjeev kumar inuu jilo aktarka kartik aryan si filimkan u noqdo filim si weyn loo hadal-haayo

dhanka shaqada ananya waxaa ay dhamaystirtay duubis filimka student of the year 2 kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka tiger shroff waxaana la daawan doona 10 march 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*