Home » Nolosha Jilaayaasha » Shocking Aamir Khan Oo Isaga Baxay Filmka Moghul Anshax Xumo Lagu Eedeyay Director-ka Filmka Aawged!!

Shocking Aamir Khan Oo Isaga Baxay Filmka Moghul Anshax Xumo Lagu Eedeyay Director-ka Filmka Aawged!!

Mr.Prefectionist Aamir Khan ayaa si rasmi ah isaga baxay qarash gareenta filmka weyn ee Moghul kaaso horey loo shaaciyay inuu Aamir Khan qarash gareenayo waxaana Director ka ahaa Subash Kapoor.

Waxaan shalay idiin la wadaagnay in Aamir uu ka qeyb galay shir loo wada dhan yahay oo looga tashanaayey habkii lagu bad baadin lahaa dumarka Bollywoodka katirsan ee anshax xumada lagula kaco.

Aamir ayaa goobta fikir wanaagsan ka jeediyay sida la sheegay jilagaan hadal kaliya ma sameeyo ee ficil ayuu ku daraa isla shalay waxuu ku dhawaaqay inuusan maalgalin doonin filmka Moghul maadama Director-ka filmkaas Subash Kapoor lagu eedeyay anshax xumo inuu dumar kula kacay.

Aamir waxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sida tan,”hadii aan nahay dad hal abuur leh waxaan had iyo jeer u taaganahay inaan bulshada wax kusoo kordhino hal abuur cusubna u bilaawne ee ma nihin kuwa dhib u geesanayaan dadka.”

“Sido kale ma nihin kuwa garab siinayaan kuwa kale ee dhibka geestaan waan ka xunnahay dhibka joogtada ah ee dumarka Bollywoodka ka shaqeyaan had iyo jeer la kulmaan waxaa filaa in goordhow xal wanaagsan lasoo saari doono.”

“Waxaan halkaan ka cadeenena bahda Aamir Khan Productions oo isku duuban In aan ka baxnay gabi ahaanba filmkan maadama markii aan howsha mashruuca bilaawi rabnay aan ogaanay qof kamid ah howl wadeenada mashruuca lagu eedeyay faraxumeen iyo anshax xumo dumar uu kula kacay.”

“Aamir Khan Productions waa goob dadka lagu sharfo ee ma ahan goob dadka sharafta looga qaado sidaa aawged ma dooneno sumcada shirkadeena inee hoos udhacdo anagoo garab siineeno eedesanayaal ee waxaan doonena inaan garab siino dhibanayaasha sidaa aawged waan ka baxnay sameenta mashruucan.”

Aamir falka uu kukacay waxaa durba ku dayday Super Star-ka kale Akshay kumar kaaso si rasmi ah Twitter-kiisa ku sheegay in Houseful 4 la joojin doono sameentisa maadama Sajid Khan oo Director-ka filmka ah faraxumeen kula kacay atirishooyin sidaa aawged hader waxaaba la sheegay in Sajid laga saaray filmka gabi ahaan.