Shocking! Salman Khan Oo Xiriirka U Jaray Boney Kapoor Aqalkiisana Ka Mamnuucay Arjun Kapoor Ayaa Sabab U Ah!!

Arjun Kapoor iyo Malaika Arora waxay hader noqdeen lamaane caan ah oo xiriirkoda banaanka keenen waliba wararka waxay sheegayaan in sanadkaan gudihiisa is guursan doonan walina shaaca lagama qaadin.

Markii hore xiriirkoda qarsoodi ayuu ahaa waa markii Malaika la nooled Arbaaz Khan balse markii ay Arbaaz kala tageen lamaanahan si aan gambasho leheen ayee xiiriirkoda dadka hortooda ugu muujiyeen.

Hadaba wararka waxay sheegayaan maanta in Salman Khan xiriirka u jaray reer Boney Kapoor gurigiisana ka mamnuucay hada kadibna wax xiriir iyo wada hadal ka dhaxeyn doonin maadama Arjun falkaas ku kacay.

Xantan mudo dheer ayee soo soctay balse maanta waxaa la helay warar kasoo baxayaan qoyska Salman Khan oo sida tan leh”Arjun Kapoor markii hore waxuu xiriir la sameeyay Salman walaashisa Arpita Khan.”

“Kadibna qalbiga ayuu ka jabiyay oo xiriirka ayuu u jaray isagoo la saaxiibay Malaika Arora oo xiligaas u dhaxday Salman walaalkisa Arbaaz Khan Sallu arinkaan kama uusan hadlin oo wuxuu diidana qoyskiisa in fadeexad dhexda ka galaan.”

“Balse hader Arjun si aan gambasho leheen ayuu Malaika meel walba jaceylkisa ugu muujiya sidaa darted Salman waxuu go’aan ku gaaray inuu xiriirka u jaro Boney Kapoor iyo qoyskiisa waliba Boney iyo Salman waa saxiibo dhow waxaana midaa ka daran saaxiibtinimada cajiibka ah ee ka dhaxeysa Anil Kapoor iyo Salman Khan halka ay ku dambeyn doonto maadama Anil adeer u yahay Arjun Kapoor.”

Waa xanta ugu weyn maanta in Salman ku dhawaaqay guriga Reer Khan inee mamnuuc ka yihiin dhamaan Boney Kapoor iyo ehelkiisa midaasna uu sabab u yahay Arjun Kapoor maxaa kala heysta labadan reer khilaafkana halkuu ku dhamaan doonaa..

2 Comments

  1. kkkkkkkkkkkkkkkk Boney Kapoor guri ma leh miyaa mise giriga salman baa guryaha wax dheer wuu khaldan yahay salman malaika arora wuu furay walaalki waana xor cidey doontay wadanaysa tiisa ha utashado salman intuu naag ay fureen uxanaaqayo arju na waa xor

Comments are closed.