Shradha Kapoor Iyo Varun Dhawan Oo Mar Kale Ku Midoobi Doonan Filimka ABCD Qaybtiisa Sadexaad Ka Dib Markii Ay Isaga Baxday Atariishada Katrina Kaif

ABCD waa filim dance ah kaaso labadiisa qeybood ee hore guul wacan ayee gaareen haatana kooxda mashruucan qeyb sedexaad ayee ka sameenayaan

iyadoo markii hore qorshaha uu ahaa in Varun Dhawan iyo Katrina Kaif ayaa markii ugu horeysay filmkan ku midoobaan waxaana midaas si weyn u qal-qaalinayay inuu hirgalo  Director ka  ah Remo D’souza

laakiin hadda waxaa soo baxay war lama filaan ah kaaso sheegaya in atariishada katrina kaif inay gabi-ahaanba  ay isaga baxday mashruucaan iyadoo sheegtay inay xooga saari-doonto duubista filimka bharat taaso dhibaato ku noqotay kooxda filimkan madaama ay doonayeen inay dhawaan bilaabaan duubista filimkan

laakiin midaas waxa fududeesay atariishada shradha kapoor taaso hadda lagu badalay katrina kaif Waxaan wada ognahay Shraddha iyo Varun inee kawada shaqeyeen filmka ABCD 2 kaaso guul weyn gaaray waxayna filmkaan kusoo bandhigeen qoob ka cayaar heer sare ah.

Mashruucan waxaa Director ka ah Remo D’souza halka uu qarash gareenayo Bhushan Kumar jilaayasha kale ee filma wax ka jilayaan waxaa kamid ah Prabhudheva, Dharmesh Yelande, Raghav Juyal iyo kuwa kale waxaana si rasmi ah loo daawan doona 8 Nov 2019

2 Comments

Comments are closed.