Shradha Kapoor Oo Isaga Baxday Filimka Looga Hadlaayo Nolosha Saina Nehwal Iyo Atariisho Kale Oo Ku Dhow Inay Booskaas Badasho.

atariishada shradha kapoor oo uu aabaha u yahay aktarka shakti kapoor ayaa hadda qaadanaysa waayaheeda ugu quruxda badan ka dib markii uu blockbuster u noqday filimkeeda ugu dambeeyay ee stree

sidoo kale atariishadan waxa ay duubis ku wadaa filimka street dancers kaaso ay la wado aktarka Varun Dhawan sidoo kale atariishadan dhawaan waxa ay soo gabagabaysay duubista filimka weyn ee saaho kaaso uu hogaamiya ka yahay aktarka Prabhas

Shradha Kapoor ayaa sanadkii hore bishii September waxa ay duubis ku bilowday filimka looga hadlaayo nolosha gabadha lagu magacaabo saina nehwal taaso ciyaarta  badminton oo ah ciyaarta labaad ee ugu daawashada badan gudaha hindia marka laga soo tago ciyaarya cricket ka

laakiin hadda waxa soo baxaya in atariishadan ay gabi ahaanba isaga baxday mashruucan sababtoo Shradha Kapoor ayaa waxa ay si weyn ay ugu mashquulsan tahay duubista labadeeda filim ee kala ah Chhichhori iyo Street Dancers kuwaaso ah aflaamo ka weyn kan

sidoo kale Shradha Kapoor Waxa ay dhawaan saxiixatay filimka weyn ee Baaghi 3 Kaaso uu hogaamiye ka yahay aktarka Tiger Shroff

waxaana wararka intaas ay ku darayaan in soo saaraha filimkan ninka lagu magacaabo Bhulshan Kumar oo hadda ku fakiraayo atariishadan uu ku badali lahaa Shradha Kapoor

waxaana hadda wararka sheegayaan inuu ninkan hadda ku dhow-yahay atariishada inuu booskaas ku badalo atariishada Parineeti Chopra sababtoo Parineeti waxa ay si weyn ugu heshay sheekada filimkan taaso u badinayso inay buuxiso booska Shradha Kapoor

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*