Siddhart Malhotra Oo Barta Twitter Hambalyo Ugu  Jacaylkiisa Hore Ee Alia Bhatt Ka Dib Markii Uu Daawaday Goos-gooska Kooban Ee Laga Soo Bandhigay Filimka Kalanka Iyo Alia Bhatt Oo Si Deg-Deg Ugu Soo Jawaab Celisay

Sidharth Malhotra iyo Alia Bhatt waa kuwa kamid ah lamaanayaasha shaashada isla soo caan baxeen 5-sano ka hor sidoo kalena kamid ah xidigaha waqtigaan Bollywoodka loogu jecelyahay ee dhalinta ah.

Balse lamaanahan hada xiriirkooda waa soo afjarmay ayagoo waligood la isku xaman jiray inuu xiriir ka dhaxeeyo balse sanadkii hore 2017 ayee xiiirkoda soo afjareen xidigahan kadib markii Alia Bhatt ay go’aan ku gaartay inay xariir cusub ah la sameeso aktarka Ranbir Kapoor.

ka dib markii alia bhatt iyo siddhart malhotra uu xariirkooda u bur-buray waxaa ay gabi ahaanba burburay xariir walba oo ka dhaxeeyay iyagoo xitaa isku inkiraayay goob walba ama xaflad walba oo ay ku wada kulmaan

laakiin wax walba waxa ay is-badalayn ka dib markii aktarka Siddhart Malhotra uu bartiisa Twitter fariin hambalyo ah ugu soo diray kooxda filimka Kalank ka dub markii uu daawaday goos-gooska kooban ee filimkaas laga soo bandhigay

inkastoo Siddhart fariintiisa uu usoo wada diray kooxda filimka Kalank sida macalinkiisa Karan Johar iyo saaxiibkiisa Varun Dhawan laakiin Atariishada Alia Bhatt ayaa si dhaqsi leh ugu jawaab celisay Jaceylkeeda hore ee SiddhartMalhotra iyadoo barteeda kusoo qortay Mahadsanid Sidhhart Malhotra

iyadoo labadan aktar ay hadda muujinaayaan inay isku hayaan xushmad maadama ay isla scodayn muddo badan halka ay hal waqti ay soo wada galayn fanka bollywoodka dhanka shaqada alia bhatt waxa ay ku mashquulsan tahay xayeesiin u samaynta filimka kalanka kaaso ay ku wehliyaan aktarada kala ah Mandhuri Dixit , Sanjay Dutt , Varun Dhawan , Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur Waxaana filimkan la daawan doona 17 bisha april halka uu Director ka yahay Abishek Verman

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*