Sidee Akshay Kumar ugu suura gashay 42 Crore ($6m) nadiif ah inuu ka helo sameynta filimka Kesari

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari wuxuu ka dagi rabaa tiyaatarada gudaha Hindiya sidoo kalena ganacsigiisa 150 Crore ayuu ku istaagi doonaa ama waxyar ayuu ku darsan doonaa waana filim HIT ah oo ay macaash heer sare ah ka heleen Akshay iyo Karan Johar oo filimkan maal galiyay waxaana idiin heynaa ganacsiga filimka Kesari sameeyay, lacagaha laga helay iyo sida faa’iida loo qeebsaday.

Qarashaadka Ku Baxay Sameynta Filimka: Mashruucan tiyaatarada la saaray 21 Maarso waxaa ku baxday 80 Crore ($11.48m) mana ku jirto lacagaha Akshay Kumar filimada ku sameeyo madaama uu filimkan ku sameeyay marka hore lacag la’aan balse uu faa’idada wax ka qeebsanayo.

Lacagaha Laga Helay Filimka Kesari:

Music + Digital + Satellite: Rs 65 crore

Saami ahaan suuqyada caalamka lacagaha laga helay: 9.00 crore

Saami ahaan gudaha Hindiya lacagaha laga helay: Rs 75 crore

Wadarta Guud Daqliga Filimka Kesari Laga Helay = 150 Crore ($21.50m)

Faa’iida Nadiifka Ah Filimka Kesari Laga Helay: 150 Crore (Daqligiisa) – 80 Crore (Qarashkiisa) = 70 Crore ($10.5m).

Sidee Loo Qeebsaday Faa’iida 70 Crore Filimka Kesari Laga Helay: Akshay Kumar iyo soo saare Karan Johar marhore ayay heshiis wada gaareyn oo ahayd 60% faa’iidada ah Akshay inuu qaato halka 40% Karan Johar qaato faa’iida nadiifka ah (Net Profit).

Sidaa darteed Akshay Kumar wuxuu qaatay 42 Crore ($6m) nadiif ah sidoo kalena Karan Johar iyo kooxdiisa iyagana waxay qaateen 28 Crore ($4.02m).

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*