Sidee ku ogaan kartaa in jaceyl Rasmi ah ku galay?

Hadii aad tilmaamaha hoos ku xusan aad isku aragto ogoow in jaceyl waali ah ku galay isla markaasna qofkaasi aad jeceshahay.

XIISAHA BADAN.

Xiisaha aad qofka u qaado wuxuu cadeyn u yahay heerka uu la egyahay xiriirka aad qofkaas la wadaagto sidaas owgeed waxaa lagu ogan karaa dareenka jaceyl ee qofka haayo heerka uu xiisahiisa la egyahay iyo siduu uga walwalo markuu waayo.
Sidaas owgeed qofka hadaad xiiso weyn misna joogta ah u qaado ogoow qofkaasi waa jeceshahay.

GO’AAMADII AAD QAADAN JIRTAY OO AAD BADASHO.

Qofka markuu jaceyl galo kaligiis marnaba go’aan ma qaadan karo ee wuxuu bilaabayaa inuu go’aan qaato asigoo fiirinaya saameynta uu qofkaas uu jeclyahay go’aanka ku yeelan karo.
Tusaale markii aad u ka fikirtid inaad magaalada ka guurtid ama goobta shaqada badalatid iwm waxa ugu horeeyo ee kugu soo dhacaayo waxay tahay qofka aad jeceshahay iyo saameynta uu go’aankaan ku yeelan karo.
Marka hadaad habdhaqanka nuucaas isku aragtid isla markaasna qof dartiis go’aamadaada oo dhan u badashid ogow qofkaas inaad jeceshahay.

DAREEN XOOGAN OO CAADIFAD KA BUUXDO.

Inta badan dadka jaceylka hayo waxay dareemaan in waxkasta oo ay sameynayaan u sameynayaan qofkaas ay jecelyihiin dartiis sidoo kale aad ayay farxadiisa ugu farxaan wixi murug ahna aad ayay uga murugoodaan.
Hadaba dareemada nuucaas ah hadaad qof aad u heyso isku aragto ogow qofkaasi waad jeceshahay.

IN MUHIMADA SIIYO TILMAAMAHA WANAAGSAN EE QOFKA.

Inta badan dadka jaceylka hayo waxay xooga saaraan tilmaamaha wanaagsan ee qofkaasi leeyahay waxayna iska indho tiraan tilmaamihiisa xun iyagoo aanba waxba kasoo qaadin.
Sidoo kale qofka jaceylka hayo wuxuu xooga saaraa xitaa waxyaabaha yar yare ee qofka uu jecelyahay ku xusuusanaayo asigoo jecel manta dhan inuu maanka ku haayo.

Hadaba akhrista tilmaamahan hadey isbiirsadaan isla markasna aad isku aragto ogoow jaceylkii rasmiga ahaa ayaa ku galay waxaadna ku sugantahay xaalad halis ah hadii uusan qofka aad jeclaatay waxba kula qaban..