Sidee ugu guuleysan kartaa qalbiga wiilka aad jeceshahay?

Waxaan mowduucii kan ka horeeyay kaga hadalnay qaabka ugu fudud ee wiilka ugu guuleysan karo ama u kasban karo gabadha qalbigeeda.
Hadaba mowduucaan waxaan kaga hadli doonaa qaabka ugu fudud ee gabadha ugu guuleysan karto qalbiga wiilka ay jeceshahay.

IN GABADHA MUUQAALKEEDA MUHIIMAD SIISO.

Inaad xariif ku noqoto xulashada dharka iyo dooqa macaan waxay kaa caawin kartaa inaad qalbiga wiilka si fudud ku xadid.
Wiilasha wey jecelyihiin gabdhaha bilicda san ee muuqaalkooda ama labiskooda soo jiidashada leh.
Sidoo kale in gabadha ku dadaasho nadaafadeeda isla markaasna ahaato mid markasta carfeyso korkeedana nadiif yahay waxay wiilasha ku qasbeysaa in gabadhaas tartan u galaan sabab la xiriirta ineysan areebo aheyn.

DABEECADA GABADHA.

Dabeecada gabadha waxay kaalin weyn ka qadataa soo jiidashadeeda siiba markii ay leedahay asluub wanaagsan wuxuu wiilka aaminayaa iney tahay gaari filkeeda ka sareyso.
Waxaa kaloo muhiim ah in gabadha caqli caadifad ku xiran leedahay si lamid ahna aysan wiilka qasbin ama culeys baaxad leh saarin.

IHTIMAAMKA.

Tani rag iyo dumar waa laga simanyahay in wiilka gabadha qiimo u yeelo si lamid ahna gabadha wiilka qiimo u yeesho sida iney u mahad celiso markuu caawiyo, iney xaaladihiisa kawar heyso ama ugu yaraan weydiiso, iney hadaladiisa rumeysato isla markaasna dareensiiso iney ku kalsoontahay iyo ugu dambeyn in hadey awoodo hadiyad yar oo qurux badan sida saacad iwm u hadiyeyso.

XISHOODKA IYO ASLUUBTA.

Xishoodka iyo asluubta waa dooqa ugu horeeyo oo ay raga dumarka ku qiimeeyaan hadii aad gabaryahay noqoto midaan xishood laheyn ninka wuxuu kaa aaminayaa inaad tahay ma xishooto meelkasta dalaq dhaheyso taasoo keeni karta inuu kaa aamin baxo.
Ogoowna xishoodka waa hubka ugu weyn iyo quruxda ugu fiican ay gabari wadato ninkii aan kugu jeclaan waayana xaqiiq waa nin dano kale kaa leh ee kuma jecla hadaba ogoow.