Simmba 3-aad, Zero 10-aad, 2.0 (Hindi) 5-aad iyo 15-filim lacagaha ugu badan soo xareeyeen 2018 dibad iyo dal

Simmba oo noqday filimka 3-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo 2018 marka la isugu daro ganacsigiida dibad iyo dal (Worldwide Gross) wuxuuna soo xareeyay ilaa haatan 310 Crore (Mudo 10-maalmood ah) waxaana ka lacag badnaan doonaan Sanju iyo Padmaavat uusan gaari karin balse Race 3 wuxuu ka talaabsaday.

Simmba wuxuu heestaa fursad uu 400 Crore ku gaari karo ganacsigiisa dibad iyo dal wax walbo waxay ku xirnaan doontaa sida uu ganacsi u sameeyo todobaadkiisa sedexaad iyo afaraad waana guul lixaad leh oo ay kooxda filimkan gaareen.

Dhinaca kale filimka 2.0 qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo wuxuu soo xareeyay 269 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal tiyaataradana wuu ka dagi rabaa waana filimka 5-aad 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyo ee Af Hindi lagu daawaday. Balse sida guud 2.0 ganacsigiisa guud dhamaan luqadaha kaa duwan lagu daawaday wuxuu sare u dhaafayaa 650 Crore waa ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo.

Ugu dambeyntii SRK filimkiisa Zero siweyn ayuu u fashilmay asigoo 178 Crore soo xareeyay ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray waana filimka 10-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo 2018 ganacsiga dibad iyo dal marka la isku daro.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyeen ganacsigooda dibad iyo dal la isku daray luqada Af Hindigana lagu daawaday soona daabacday shabakada BOI:

1. Sanju – 578 crore

 

 

2. Padmaavat – 546 crore

 

 

3. Simmba – 310 crore (10 Days)

 

 

4. Race 3 – 306 crore

 

 

5. 2.0 (Hindi) – 269 crore (Still Running)

 

 

6. Baaghi 2 – 249 crore

 

 

7. Thugs Of Hindostan – 247 crore

 

 

8. Badhaai Ho – 215 crore

 

 

9. Raazi – 192 crore

 

 

10. Zero – 178 crore (Still Running)

 

 

11. Stree – 173 crore

 

 

12. Gold – 150 crore

 

 

13. Sonu Ke Titu Ki Sweety – 149 crore

 

 

14. Raid – 145 crore

 

 

15. Veere Di Wedding – 134 crore

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.