Simmba ganacsigiisa dibad iyo dal (Worldwide Gross) wuxuu gaaray 249 Crore ($35m) hal todobaad!

Director Rohit Shetty iyo Ranveer Singh xili dahabi ah ayay bartanka kaga jiraan madaama filimkooda Simmba ganacsi waali ah todobaadkiisa kowaad uu gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ka sameeyay waana arin lama filaan ah in filim Action ah sidaan weyn suuqyada caalamka iyo gudaha Hindiya halmar ka wada gadmo.

Simmba ayaa todobaadkiisa kowaad $8.5 million kasoo xareeyay suuqyada caalamka weliba si gaar ah suuqa USA/Canada ayuu wacdaro ka dhigaa asigoo halkaas $3 million todobaadka kowaad ka keenay. Sidoo kale Simmba wuxuu Pakistan kasoo xareeyay $650k halka Nepal uu ka keenay $400k waana ganacsiyo heer sare ah.

Filimka Simmba ganacsigiisa dibad iyo dal (Worldwide Gross) wuxuu gaaray 249 Crore ($35.6m) hal todobaad ah wuxuuna sidaas ku noqday filimka 5-aad ee sanadkan 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyo dibad iyo dal marka la isku daro hal todobaad oo kaliya.

Simmba haatan filimada 2018 la daawaday kaliya waxaa ka lacag badan Sanju, Padmaavat, Race 3 iyo 2.0 (Hindi) waa ganacsiga dibad iyo dal la isku daray waana inuu Race 3 iyo 2.0 qaybtiisa Af Hindiga dhaafi doono ganacsigooda marka uu todobaadka labaad dhameesto ama sedexdiisa maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyo.

Ganacsiga Simmba sameeyay todobaadkiisa kowaad gudaha Hindiya canshuurta ka hor, daafaha caalamka iyo wadar ahaan dibad iyo dal la isku daray hoos kaga bogo waxaana soo daabacday BOI:

Gudaha Hindiya Canshuurta Ka Hor (Gross Money) – 189 crore

 

Suuqyada Caalamka – 60 crore

 

 

Wadarta Guud Dibad & Dal – 249 crore (Worldwide Gross)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.