Simmba oo hal todobaad suuqyada caalamka kaga soo xareeyay 60 Crore ($8.5m)

Inaba caadi ma ahan filimka Simmba kaliya gudaha Hindiya ganacsi lixaad leh ma uusan ka sameynin sidoo kalena suuqyada caalamka ayuu siweyn u qabsaday filimkan Action-ka ah madaama uu todobaadka kowaad ganacsi 60 Crore ($8.5m) kasoo xareeyay suuqyada caalamka.

Kooxda Simmba sida ay rabaan ayay u dabaal dagi karaan madaama mashruucooda mid caalami ah noqday dibad iyo dalna wuxuu ka noqday Big HIT tani waxay ka dhigan tahay Raveer Singh awoodiisa xidignimo (Star Power) inay sare u kici doonto mustaqbal wanaagsana uu leeyahay inuu hogaanka fanka la wareego marka laga baxo waqtiga Sedexda Khans awooda ku heestaan Bollywood-ka oo soo dhawaatay xiligii ay soo idlaan laheyd.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Simmba iyo mudo todobaad ah suuqyada caalamka ganacsiga heerka sare ah uu ka sameeyay oo ilaa haatan lala yaaban yahay:

Fri: $ 1.884 mn

Sat: $ 1.590 mn

Sun: $ 1.492 mn

Mon: $ 779k

Tue: $ 1.414 mn

Wed: $ 694k

Khamiis: $ 600k

Total: $ 8.53 mn [₹ 60 cr]

Simmba waa hubaal inuu $10m suuqyada caalamka darajo ahaan gaari doono waana guul kale oo usoo hoyotay Director Rohit Shetty iyo Ranveer Singh oo haatan ah labo awood oo Bollywood-ka si qasab ah ku ictiraafeen.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.