Simmba oo kaalinta 11-aad ka galay filimada todobaadka kowaad ganacsiga ugu badan sameeyeen ebid

Sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday Simmba ayaa noqday filimka 11-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa madaama uu keenay 150.50 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa kowaad. Simmba wuxuu noqday filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa kowaad ee Rohit Shetty Director ka yahay wuxuuna dhaafay Chennai Express iyo Golmaal Again.

Sidoo kale Simmba waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa kowaad ee Ranveer Singh hogaamiye ka yahay asigoo dhaafay Padmavaat inkastoo filimkan gobolada qaar laga daawanin markii uu masraxa ku cusbaa.

Bahubai – The Conclusion ayaa ah filimka filimada madaama uu todobaadkiisa kowaad soo xareeyay 246 Crore waxaana xusid mudan in afar filim taariikh ahaan todobaadkooda kowaad 200 Crore soo xareeyeen waxaana Bahubai – The Conclusion soo raacaan Sultan, Tiger Zinda Hai iyo Sanju.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen todobaadkooda kowaad soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali – The Conclusion – 246.47 Crore

 

 

2. Sultan – 208.99 Crore

 

 

3. Tiger Zinda Hai – 206.04 Crore

 

 

4. Sanju – 200.16 Crore

 

 

5. Dangal – 192.38 Crore

 

 

6. Bajrangi Bhaijaan – 183.52 Crore

 

 

7. PK – 181.26 Crore

 

 

8. Dhoom 3 – 173.12 Crore

 

 

9. Prem Ratan Dhan Payo – 157.60 Crore

 

 

10. Kick – 155.31 Crore

 

 

11. Simmba – 150.50 Crore (Qiyaas)

 

 

12. Padmaavat – 142.35 Crore

 

 

13. Race 3 – 139.97 Crore

 

 

14. Chennai Extpress – 139.70 Crore

 

 

15. Golmaal Again 136.01 Crore

 

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.