Simmba oo noqday filimada Bollywood-ka midkiisa maalin Talaado ah lacagaha ugu badan soo xareeyo

Simmba ayaa dhigay iskoor weyn (ALL TIME RECORD) gaar ahaan maalinta Talaadada ahayd asigoo ka faa’iideestay fasaxii sanadka cusubaa wuxuuna noqday filimka Hindiga ah ama Bollywood sameeyeen midkiisa maalin Talaado ah lacagaha ugu badan soo xareeyo asigoo keenay 27.93 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) xaqiijisay.

Simbba maalin Talaado ah waxaa ka lacag badan Bahubali 2 oo kaliya kaasi oo keenay 29.78 Crore (Trade Figure) waana filim aan marnaba la gaarin oo Koonfurta Hindiya iska leedahay balse guud ahaan Hindiya oo dhan iskooro taariikhi ah ka sameeyay luqad walbo oo lagu daawaday.

Sanadkan 2018 maalin Talaado ah waxaa ugu lacag badnaa filimka Sanju oo soo xareeyay 21.62 Crore (Trade Figure) balse Simmba ayaa ka talaabsaday oo farqi weyn ku dhaafay.

Taariikh ahaan filimada Bollywood-ka maalin Talaado ah waxaa ugu lacag badnaa filimka Kick oo 26.82 Crore (Trade Figure) mudo 5-sano ka hor.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen maalin Talaado ah loona xisaabiyay ganacsiga ay ku sameeyeen Af Hindi oo kaliya:

1. Bahubali 2 (Hindi) – 29.78 crore (Qiimaha Tikit-ka oo sare loo qaaday)

 

2. Simmba – 27.93 crore (Fasax)

 

3. Kick – 26.82 crore (Fasax)

 

4. Dangal – 22.39 crore (Qiimaha Tikit-ka oo sare loo qaaday)

 

5. Sanju – 21.62 crore apprx (Qiimaha Tikit-ka oo sare loo qaaday)

 

6. Tiger Zinda Hai- 21.60 crore  (Qiimaha Tikit-ka oo sare loo qaaday)

 

7. Krrish 3 – 21.33 crore (Fasax)

 

8. Bajrangi Bhaijaan – 20.78 crore  (Fasax qeybeed)

 

9. PK – 19.87 crore (Qiimaha Tikit-ka oo sare loo qaaday)

 

10. Toilet Ek Prem Katha – 19.23 crore (Fasax)

 

11. Dhoom 3 – 18.75 crore (Qiimaha Tikit-ka oo sare loo qaaday)

 

12. Airlift – 17.63 crore (Fasax)

 

13. Ek Tha Tiger – 14.87 crore (Fasax qeybeed)

 

14. Dabanng 2 – 14.21 crore (Fasax)

 

15. Padmaavat – 13.59 crore

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.