Simmba oo noqday filimka 11-aad ee lacagaha ugu badan soo Jimcadiisa labaad

Simmba ciwaano kala duwan ayuu sameenayaa wuxuuna haatan noqday taariikh ahaan filimka 11-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo Jimcadiisa labaad madaama uu keenay 9.25 Crore (Trade Figure) sidoo kalena waa filimka 3-aad ee 2018 la daawaday kaasi oo Jimcadiisa labaad ganacsiga ugu badan sameeyo kaliya Sanju iyo Padmaavat ayaa ka badan .

Simmba Jimcadiisa labaad ganacsi ahaan Padmaavat ayuu ka ag dhow yahay balse cimri ahaantiisa waa qasab inuu Padmaavat ka lacag hooseeyo kaasi oo 284 Crore soo xareeyay halka Simmba 250 Crore gaari doono sababtana waxay tahay Padmaavat gobolo markii hore laga ganaaxay daawadashadooda ayaa dib laga fasaxay iyo fariintiisa oo ah mid ka baahsan Simmba.

Fadlan hoos kaga bogo 15-ka filim ee Jimcadooda labaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen taariikh ahaan soona daabacday xogtaan shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Bahubali 2 – The Conclusion – 19.81 Crore

 

2. Dangal – 17.84 Crore

 

3. PK – 14.52 Crore

 

4. Bajrangi Bhaijaan – 12.56 Crore

 

5. Sanju – 12.52 Crore

 

6. Bajirao Mastani – 12 Crore (Fasax)

 

7. Tiger Zinda Hai – 11.55 Crore

 

8. 3 Idiots – 10.54 Crore (Fasax)

 

9. Dhoom 3 – 9.42 Crore

 

10. Padmaavat – 9.39 Crore

 

11. Simmba – 9.25 Crore (Qiyaas)

 

12. Kick – 8.31 Crore

 

13. Krrish 3 – 7.67 Crore

 

14. Sultan – 7.41 Crore

 

15. Golmaal Again – 7.24 Crore

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.