Simmba Super Hit Waa Dhaafay Blockbuster Ayuu Qarka U Saaranyahay Ganacsiguu Maanta Sameeyay Aawged!!

Shabakada Box-office-ka India ayaa caawa si rasmi ah u xaqiijisay in Filmka Simma noqday Super Hit sidaan horey idiin kugu sheegnayba ganacsigiisa maanta oo arbaco ahed ayaa xaqiijisay in mashruucan SUPER HIT noqday.

Waxaa xusid mudan in hader uu kusocdo wadadii uu Blockbuster ku noqon lahaa sida BOI sheegtay waxaana macquul ah si dhaqsi ah inuu Blockbuster marba haduu maanta keenay 14 Crore ganacsi lagu qayaasay.

Ranver filmkiisa 30% ayuu hoos udhacay maanta markii lala bar bardhigo maalintiisa kowaad waxaana ugu wacan in maalintiisa lixaad tahay sido kalena qiimaha Tikit-ka yareeyay balse waa u faaido hadii raqiis laga dhigay Tikit-ka daawadayaasha ayaa soo kordhayaan.

Simmba waxuu noqday Hit-ka sedexaad ugu weyn 2018 waxaana la filaa in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 148-150 Crore lacago udhaxeya isagoo noqon doono filmka labaad 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadka kowaad kaliya Sanju ayaa ka lacag badan doono.

Wadarta guud hadaer Simmba waxuu maraya 138 Crore mudo 6 maalmod ayuuna gudaha India kaga sooxareeyay lacagahaas isagoo noqon doono Ranver Singh filmkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyo sido kale Rohit Shetty oo dhowr Blockbuster sameeyay filmkiisa ugu weyn inuu noqdo ayaa laga filaa.

Simmba hader waxaa hortaalo xujo uu kudhaafo ganacsiga cimri ahaan ay sameeyen filmada kala ah Chennai Express iyo Golmaal Again kuwaaso 200 Crore sare u dhaafen Rohit Shetty-na Director k ahaa balse midaas inee macquul noqon doonto waxaa la ogaan doona sida uu ku furmo jimcadiisa labaad.