Simmba waa BLOCKBUSTER sida shabakada BOI cadeesay iyo shalay wacdarihii uu dhigay

Simmba wuxuu noqday BLOCKBUSTER sida shabakada Boxoffice India (BOI) cadeesay madaama shalay oo Jimco ahayd wacdaro aan caadi ahayn filimkan dhigay wuxuuna keenay 9 Crore ilaa 9.50 Crore ganacsi u dhaxeeyo wuxuuna sameeyay kaliya 20% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo Khamiistii ganacsiga uu sameeyay waana arin muujineyso in filimkan cidna hor istaagi doonin oo uu tiyaatarada mudo dheer baaqi kusii ahaan doono.

Simmba wuxuu noqday HIT-ka sedexaad ee ugu weyn 2018 Bollywood-ka sameeyeen darajo ahaan Sanju iyo Padmavaat ayaa ka weyn waxayna midaan ka dhigan tahay in labo ka mid ah sedexda filim 2018 ugu weynaayeen uu Ranveer Singh sameeyay halka filimka kale Ranbir Kapoor sameeyay.

Waa markii ugu horeesay tan iyo 1992 oo Sedexda Khans (Salman, SRK iyo Aamir) laga waayo aflaantooda sedexda filim ee sanad walbo HIT-ka ugu weyn noqonayeen. Laakiin hal arin kalena wey u baahan tahay inaan idin xasuusino sedexda HIT ugu weyn 2018 waxaa sameeyeen sedexda Director Bollywood-ka xiligaan ugu awooda badan (Rajkumar Hirani, Sanjay Leela Bhansali iyo Rohit Shetty).

Filimka Simmba mudo 8-maalmood ah qiyaasta xili hore wuxuu soo xareeyay 160 Crore sidoo kalena waa qasab inuu noqdo filimka 3-aad ee 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyo marka uu 10-maalmood tiyaatarada saarnaado asigoo dhaafi doono ganacsigii uu sameeyay filimka 2.0 qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday oo ahaa 186 Crore.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.