Sonam Kapoor Oo Banaanka Keentay Sir Kareena Kapoor Mudo Sanado Badan Dadka Ka Qarin Jirtay Meeshii Ay Ku Dhuuman Lahed Waa Iney Diyaarsataa Sonam!!

Kareena Kapoor Khan waa mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka aan laheen ciwaano caan ah (Officia Pages) oo dhanka baraha bulshada ah balse si qarsoodi ah iyo ciwaano dadka badankooda ogeyn ayee isticmaasha xidigtaan.

Wax walbo oo ka dhaco baraha bulshada wey la socotaa jilayaal badan ayeena saaxiib kula tahay baraha bulshada (Social Media Friends) hada kahor 2013 mar ayee wareysi ku sheegtay in ay xog-ogaal u tahay wax walboo oo ka dhacaan Internet-ka ciwaano gaar ahna isticmaasho.

Sido kale barnaamijka Koffe With Karan qeybtii u dambeysay ayee markale arinkaan ku shaaciysay ugu dambeyn gabadha ay qaraabada fog yihiin Sonam Kapoor ayaa arinkaan daaha ka rogtay dadkan u sheegtay in Bebo qeyb ka tahay baraha bulshada.

Sonam Kapoor ayaa ka qeyb gashay barnaamijka arbaaz Khan jilayaasha ku wareysi xili barnaamijka lagu guda jiro ayaa Sonam wax laga weydiiyay hadii Bebo baraha bulshada isticmaasho maadama qaraabo fog yihiin sido kalena saaxiibo isku dhowna yihiin waxay ku jawaabtay sida tan.

“Haa Bebo wey isticmaasha baraha bulshada balse magaceeda rasmiga ah kuma isticmaasho ee magac aan la fahmi karin oo midkeeda ahen ayee ku isticmaasha midaas xaqiiqadeedana aniga ayaa hubo in badan.”

Ugu dambeyn sirta daaha waa laga qaaday Bebo ciyaar fiican ayee dadka la ciyaartay wey naga qarisay inee magac aan midkeeda ahen baraha bulshada ku isticmaasho balse dhibka jira ayaa ah magaca Sonam ma sheegin si loogu yaaco ciwaankaas ileen xidigtaan taageerayaasheda aduunka oo dhan ayaa si weyn u wada sugayaan inee halmar uun sameeysato Page rasmi ah.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*