Soo Layaab Ma Aha Hal Film Oo 100 Crore Keenay Bas Inee Kajol Sameesay!!

Kajol Devgan waa mid kamid ah atirishooyinka Box-office-ka ugu awooda badan taariikh ahaan Bollywoodka taasoo wax kasoo hogaamisay dhanka Box-office-ka dhamaadkii 90-maadkii ilaa bilaawgii qarnigaan.

Hadana waxaa layaab ah in Kajol kaliya heesato hal film oo darajada 100 Crore u gaaray cimri ahaanteda intii ay fanka ku guda jirtay iyo filmadii Classic-da ahaa ee ay sameesayba.

Kajol waxay sameesay filmo waa weyn oo Big Blockbusters noqdeen sida DDLJ oo 1995 la daawaday sido kalena keenay 53.31 Crore xiligaas balse hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo noqonaayo 461.31 Crore.

Sido kale waxay sameesay xidigtaan Kuch Kuch Hota Hai oo keenay 46.86 Crore hadii sicirka maanta lagu jaangooyana noqonaayo 342.92 Crore balse xidigtaan waxay kaliya heesataa Dilwale oo 100 Crore u keenay.

Filmka Dilwale ee ay wada jileen Shah Rukh Khan, Kajol, Varun Dhawan iyo Kriti Sanon kaaso la daawaday sanadkii 2015 ayaa waxuu keenay 139.97 Crore cimri ahaantisa waana mashruuca kaliya ee Kajol darajada 100 Crore u gaaray.

Kajol sidii qarnigaan cusub loo galay waliba wixii ka dambeyay Kabhi Khushi Kabhie Gham xidigtaan fanka wey isaga fariisatay kadibna uma badneen mashaariic dhowr ah ayee sameesay sida Fanaa iyo My Name Is Khan markii Bollywoodka darajada 100 Crore bilaawayeen xiligaas Kajol film jilis kuma jirin hooyo aye haed.

Waxaa xusid mudan in Kajol ay iska diiday mashaariic waaweyn sida 3 Idiots oo 200 Crore gaaray marka xidigtaan waxaa maanta tiyaatarada loo saaray filmkeeda Helicopter Eela darajo nooce laga filan doona mashruucan waa suaasha taxliiliyaasha ganacsiga filmada is weydinayaan.