Star Power-ka 40-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1940 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

K L Saigal (Bidix), Ashok Kumar (Dhexda), Prithviraj Kapoor (Midig)

Hordhaca:

Madaama 10-kaan sano gabo gabo (2010 ilaa 2019) gabo gabo ku dhow yahay sidoo kalena Star Power-ka atoorayasha aan kasoo sheekeenay waxaan dib ugu laaban doonaa xogta rasmiga ah ee la heli karo kana soo bilaabato awooda fanka Hindiya.

Aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran waxaan horey ula wadaagnay Star Power-ka awooda atoorayaasha sida ay ahayd 90-maadkii (1990 ilaa 1999), 2000-maadkii (2000-09) iyo 10-kaan sano aan guda jirno (2010 ilaa 2019) kaliya xogta 2019 ayaa naga harsan marka uu sanadkan dhamaado ayaan idinla wadaagi doonaa insha Allah.

Star Power-ka Hindiya xogta la heli karo waxay kasoo bilaabataa 1940 sidaa darteed waxaan marka kowaad ka sheekeen doonaa 1940 ilaa 1949 fanka Hindiya yaa ka talin jiray.

Sanadii 1940 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. K L Saigal: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1940 wuxuu ahaa Zindagi.

2. Ashok Kumar: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1940 wuxuu ahaa Bandhan.

3. Prithviraj Kapoor: HIT-ka ugu weyn uu sameeyay 1940 wuxuu ahaa Pagal.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1940:

K L Saigal oo sidoo kale heesaa ahaa ayaa Hindiya qabsaday wuxuuna aqoonsi marka kowaad ku yeeshay filimkii Devdas 1935 wuxuuna noqday Superstar-kii ugu horeeyay ee Hindiya helaan taariikh ahaan!

Ashok Kumar isagana dar dar xoogan ayuu ku socday wuxuuna Hindiya ku qabsaday sanadii 1940 filimkiisii la wada jeclaaday Bandhan.

Prithviraj Kapoor looma gali karin wuxuu ahaa xidig 30-maadkii sal dhigtay sidoo kalena sanadii 1940 la imaaday filimkii Big Hit-ka noqday Pagal.

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1940 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*