Star Power-ka 50-maadkii: Waa Kuwee 3-Atoore Sanadii 1955 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Hordhac:

Waxaan soo idleenay ka hadlida 10-kii sano awooda fanka Hindiya ugu horeesay (1940 ilaa 1949) Star Power-ka ay lahaan jireen atoorayaasha Bollywood-ka ayadoo aan sanad sanad kaga soo hadalnay kadibna aan kusoo gaba gabeenay maqaal aan kusoo bandhigtay sida atoorayaasha u kala awood badnaayeen.

Haddaba waxaan amba qaadi doonaa 10-kaan sano xigtay tixraaca taariiikhda Boxoffice-ka Hindiya (1950 ilaa 1959) sida awooda atoorayaasha Bollywood-ka ahayd iyo sanad walbo sedexda hogaanka fanka u heesay.

Sanadii 1955 Iyo 3-Atoore Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Dilip Kumar: Waxaa filim ah HIT weyn u noqdeen sanadii 1955 filimada Azaad, Udan Khatola, Insaaniyat.

2. Dev Anand: Waxaa HIT u noqday sanadii 1955 filimka Insaaniyat.

3. Raj Kapoor: Waxaa HIT dhameestiran u noqday sanadii 1955 filimka Shree 420.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1955:

Dilip Kumar ayaa sanadkii 8-aad xariir ah hogaanka Bollywood-ka u haayay wuxuuna sanadii 1954 la yimid sedex filim oo Big Hits u noqdeen kuwaas oo kala ahaayeen Azaad, Udan Khatola, Insaaniyat.

Dev Anand kaalinta labaad ayuu awood ahaan sanadkii labaad oo xariir ah ku jiray waxaana big Hit u noqday filimkii Insaaniyad ee uu Dilip Kumar la sameeyay sanadii 1954.

Raj Kapoor filimkiisii Shree 420 wuxuu noqday Blockbuster weyn iyo midka lacagaha ugu badan ebid soo xareeyo oo ay Hindiya sameeyaan sanadii 1955 wuxuuan awood ahaan ku jiray kaalinta 3-aad.

La Soco 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1956 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas.

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1950 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1951 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1952 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1953 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii aadan Aqrisanin Maqaalkii 3-Atoore Bollywood-ka Ugu Awood Badan 1954 Fadlan RIIX HALKAAN

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*