Star Power-kii 40-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1940 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Leela Chitnis (Bidix), Kanan Devi (Dhexda), Devika Rani (Midig)

Hordhaca:

Madaama 10-kaan sano gabo gabo (2010 ilaa 2019) gabo gabo ku dhow yahay sidoo kalena Star Power-ka atirishooyinka aan kasoo sheekeenay waxaan dib ugu laaban doonaa xogta rasmiga ah ee la heli karo kana soo bilaabato awooda fanka Hindiya.

Aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran waxaan horey ula wadaagnay Star Power-ka awooda atirishooyinka sida ay ahayd 90-maadkii (1990 ilaa 1999), 2000-maadkii (2000-09) iyo 10-kaan sano aan guda jirno (2010 ilaa 2019) kaliya xogta 2019 ayaa naga harsan marka uu sanadkan dhamaado ayaan idinla wadaagi doonaa insha Allah.

Star Power-ka Hindiya xogta la heli karo waxay kasoo bilaabataa 1940 sidaa darteed waxaan marka kowaad ka sheekeen doonaa 1940 ilaa 1949 fanka Hindiya yaa ka talin jiray.

Sanadii 1940 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Leela Chitnis: waxaa HIT weyn u noqday sanadii 1940 filimkii Bandhan.

2. Kanan Devi: wax filim ah uma guuleesanin sanadii 1940.

3. Devika Rani: wax filim ah uma guuleesanin sanadii 1940.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1940:

Atirishada Leela Chitnis looma dhawaan karin fanka Hindiya waxay ku qabsatay filimkii Bandhan ee HIT-ka weyn noqday waxaana kaga sii horeeyeen filimadii Hits u noqdeen Kangan iyo Sant Tulsidaas sanadii 1939.

Waxaa kaloo xusid mudan in labada atirisho ee kala ahDevika Rani iyo Kanan Devi awoodooda aad u sareesay laakiin ku heer ma aysan ahayn Leela Chitnis oo marxalad riyo ku dheehan ku jirtay.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1941 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*