Star Power-kii 40-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1941 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Leela Chitnis (Bidix), Kanan Devi (Dhexda), Devika Rani (Midig)

Hordhaca:

Madaama 10-kaan sano gabo gabo (2010 ilaa 2019) gabo gabo ku dhow yahay sidoo kalena Star Power-ka atirishooyinka aan kasoo sheekeenay waxaan dib ugu laaban doonaa xogta rasmiga ah ee la heli karo kana soo bilaabato awooda fanka Hindiya.

Aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran waxaan horey ula wadaagnay Star Power-ka awooda atirishooyinka sida ay ahayd 90-maadkii (1990 ilaa 1999), 2000-maadkii (2000-09) iyo 10-kaan sano aan guda jirno (2010 ilaa 2019) kaliya xogta 2019 ayaa naga harsan marka uu sanadkan dhamaado ayaan idinla wadaagi doonaa insha Allah.

Star Power-ka Hindiya xogta la heli karo waxay kasoo bilaabataa 1940 sidaa darteed waxaan marka kowaad ka sheekeen doonaa 1940 ilaa 1949 fanka Hindiya yaa ka talin jiray.

Sanadii 1941 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Leela Chitnis: waxaa HIT weyn u noqday sanadii 1941 filimkii Jhoola.

2. Kanan Devi: waxaa filim weyn u noqday sanadii 1941 filimkii Lagan

3. Devika Rani: wax filim ah uma guuleesanin sanadii 1941.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1941:

Atirishada Leela Chitnis looma dhawaan karin fanka Hindiya sanadkii labaad oo xariir ah ayay kaalinta kowaad ku jirtay waxayna 1941 la timid filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Johoola.

Devika Rani ayaa sare u kac xoogan awood ahaan sameesay madaama filimkeedii Lagan Big HIT noqday sidoo kalena xiligaas ayaa loo jeclaa.

Kanan Devi awoodeeda hoos ayay u yara dhacday madaama labo sano isku xigto filim weyn HIT u noqonin balse awood ayay lahayd si walbo uu xaalka ahaa xiligaas.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1942 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas.

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1940 Fadlan RIIX HALKAAN