BOX OFFICE Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Star Power-kii 40-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1942 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

 

Mumtaz Shanti (Bidix), Noorjehan (Dhexda), Leela Chitnis (Midig)

Hordhaca:

Madaama 10-kaan sano gabo gabo (2010 ilaa 2019) gabo gabo ku dhow yahay sidoo kalena Star Power-ka atirishooyinka aan kasoo sheekeenay waxaan dib ugu laaban doonaa xogta rasmiga ah ee la heli karo kana soo bilaabato awooda fanka Hindiya.

Aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran waxaan horey ula wadaagnay Star Power-ka awooda atirishooyinka sida ay ahayd 90-maadkii (1990 ilaa 1999), 2000-maadkii (2000-09) iyo 10-kaan sano aan guda jirno (2010 ilaa 2019) kaliya xogta 2019 ayaa naga harsan marka uu sanadkan dhamaado ayaan idinla wadaagi doonaa insha Allah.

Star Power-ka Hindiya xogta la heli karo waxay kasoo bilaabataa 1940 sidaa darteed waxaan marka kowaad ka sheekeen doonaa 1940 ilaa 1949 fanka Hindiya yaa ka talin jiray.

Sanadii 1942 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. Mumtaz Shanti: waxaa HIT weyn u noqday sanadii 1942 filimkii Basant.

2. Noorjehan: waxaa filim weyn u noqday sanadii 1942 filimkii Khandaan

3. Leela Chitnis: wax filim ah uma guuleesanin sanadii 1942.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1942:

Atirishada Mumtaz Shanti ayaa Hindiya ku qabsatay filimkii Blockbuster-ka u noqday Basant awood cusub oo maqaamka ugu sareyso la wareegtay ayay noqotay Mumtaz.

Atirishada Noorjehan iyadana dhanka Waqooyi ayay marka hore awood ku yeelatay sameynta filimada Punjab-ka ah filimkeedii Hindiga ahaa Khandan ee Super Hit-ka weyn noqday

Atirishada Leela Chitnis culees xoogan ayaa soo karay waxaana lagala wareegay booska kowaad ayadoo kaalinta sedexaad u dhacday.

Kanan Devi waxaa Big Hit u noqday filimkeedii Jawab sidoo kalena xidigtan loolanka inay ka harto diyaar uma ahayn.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1943 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

 

Related posts

Qodobka 10-aad: Aditya Pancholi Oo Qamriga Iska Badiyay Gacan-qaad Iyo Aflagaadana Isugu Daray Waardiyaasha Hotel Uu Qamri Ka Cabaayey!!

Ali Aadan

Ranbir & Sonakshi, Abhishek Iyo & Karisma Iyo 10 Jilaa Oo Aan Wada Shaqeyn Doonin Qeybta 2-aad

Ali Aadan

Salman Khan Seedigiisa Ayush Sharma Oo Markan La Shaqayn Doona Director Caan Ah

Jabriil Abdikadir

Daawo: Maanta iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub 6 June 2019:

Zakarie

Mouni Roy Oo Baraha Bulshada Lagu Fadeexeystay Kadib Qaliinkii Wajiga Ay Ku Sameeysay Oo Fashilmay!!

Ali Aadan

Dhageyso barnaamijka LIVE NOW (22 May 2019) Warar Sport Update ah kaga bogo

Zakarie