Star Power-kii 50-maadkii: Waa Kuwee 3-Atirisho Sanadii 1955 Bollywood-ka Ugu Awooda Badnaa

Nargis (Bidix), Vyjayanthimala (Dhexda), Meena Kumari (Midig)

Hordhac:

Waxaan soo idleenay ka hadlida 10-kii sano awooda fanka Hindiya ugu horeesay (1940 ilaa 1949) Star Power-ka ay lahaan jireen atirishooyinka Bollywood-ka ayadoo aan sanad sanad kaga soo hadalnay kadibna aan kusoo gaba gabeenay maqaal aan kusoo bandhigtay sida atirishooyinka u kala awood badnaayeen.

Haddaba waxaan amba qaadi doonaa 10-kaan sano xigtay tixraaca taariiikhda Boxoffice-ka Hindiya (1950 ilaa 1959) sida awooda atirishooyinka Bollywood-ka ahayd iyo sanad walbo sedexda hogaanka fanka u heesay.

Sanadii 1955 Iyo 3-Atirisho Ugu Awooda Badneyd Bollywood-ka:

1. NargisWaxaa HIT u noqday sanadii 1955 filimkii weynaa Shree 420.

2. Vyjayanthimala: Wax filim ah HIT dhameestiran uma noqonin sanadii 1955.

3. Meena Kumari: Waxaa HIT dhameestiray u noqday sanadii 1955 filimka Azaad.

Sharaxaad Guud Bollywood-ka Wixii Ka Dhacay 1955:

Nargis sanadkii shanaad oo xariir ah ayay hogaanka u heesay Bollywood-ka dhanka atirishooyinka welib sanadii 1955 maqaamkii ugu sareesay ayay gaartay madaama filimkii Shree 420 uu u noqday Blockbuster taariikhi ah iyo midkii lacagaha ugu badan soo xareeyay xiligaas.

Vyjayanthimala ayaa kaalinta labaad ku jirtay sanadii 1955 balse filim HIT dhameestiran noqday ma aysan la imaanin.

Meena Kumari booska sedexaad ayay awood ahaan ku jirtay waxaana sanadii 1955 Super Hit u noqday filimkii Azaad.

Dhinaca kale atirishada Nutan ayaa xidig weyn noqotay sanadii 1955 kadib markii filimkeedii Seema Hit weyn noqday.

La Soco 3-Atirisho Bollywood-ka Ugu Awood Badnaayeen Star Power Ahaan 1956 Iyo Wixii Dhacay Xiligaas.

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1950 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1951 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1952 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1953 Fadlan RIIX HALKAAN

Haddii Aadan Aqrisanin Sedexdii Atirisho Ugu Awooda Badneyd 1954 Fadlan RIIX HALKAAN

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*