Sunday Boxoffice Update: Sidee ku furmeen filimada Kedarnath iyo 2.0 maanta oo Axad ah subaxdii hore

Labada filim ee haatan tiyaatarada saaran kuwaas oo ganacsi saameyn leh sameenayaan waa Kedarnath iyo 2.0 oo siweyn kaga gadmayaan gudaha Hindiya sidoo kalena maanta waxay heestaan fursad wacan madaama ay Axad tahay sidoo kalena maalin fasax ay tahay ama waxbarashada iyo shaqooyinka shacabka iyo qoysaska ka nasanayaan.

Kedarnath oo maanta u tahay maalintiisa sedexaad ee uu tiyaatarada saaran yahay ayaa ku furmay 30% ilaa 35% subaxdii hore wuxuuna sameeyay 25% sare u kac marka lala bar bard dhigo shalay oo Sabti ahayd subaxdii hore sida uu ku furmay oo ahayd 25% ilaa 26%.

Waa hubaal in maanta duhurkii/galabta iyo caawo fiidkii inuu sare u kac xoogan sameyn doono madaama maanta Axad tahay qof walbana firaaqo heesto gaar ahaan qoysaska oo ka helaan aflaanta fariinta jaceylka xambaarsan.

Fadlan hoos ka eeg is bar bar dhig lagu sameeyay Kedarnath sedexdiisa maalmood ugu horeyso sida uu subaxdii hore ku furmaayay:

Jimco – 22% subaxdii hore

Sabti – 25-26%% subaxdii hore

Axad – 30-35% subaxdii hore

Dhinaca kale filimka 2.0 ayaa tiyaatarada gudaha Hindiya maanta oo Axad ah siweyn u gil gilaayo asigoo ku furmay 45% subaxdii hore waana maalintiisa 11-aad ee uu tiyaatarada saaran yahay qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo taasi oo muujineyso in mashruucaan maanta ganacsi weyn sameyn doono.

2.0 shalay oo Sabti ahayd subaxdii hore wuxuu ku furmay 29% taasi oo ka dhigan in maanta oo Axad ah 50% sare u kac ku dhawaad uu sameeyay waana bilaabasho heer sare ah asigoo u dhaqmaayo sida mashruuc Axadiisa kowaad u tahay balse waa Axadiisa labaad ee uu tiyaatarada saaran yahay qaybta Af Hindiga lagu daawanayo.

2.0 maanta Axad qurux badan ayay u noqon doontaa gaar ahaan xiliga duhurkii/galabta iyo caawo fiidkii madaama filimkan qoysaska siweyn isugu sheeg sheegeeyaan fariintiisa heerka sare ah.

Fadlan hoos kaga bogo filimka 2.0 iyo 11-kiisa maalmood maalin walbo subaxda hore sida uu ku furmaayay qaybta Af Hindiga lagu daawanayo:

Todobaadka Kowaad – 

Khamiis – 40% subaxdii hore

Jimco – 28% subaxdii hore

Sabti – 50% subaxdii hore

Axad – 75-80% subaxdii hore

Isniin – 30% subaxdii hore

Talaado – 25% subaxdii hore

Arbaco – 23% subaxdii hore

Khamiis labaad – 20% subaxdii hore

Todobaadka Labaad:

Jimco labaad – 14% subaxdii hore

Sabti labaad – 29% subaxdii hore

Axad labaad – 45% subaxdii hore

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.