Super Star Akshay Kumar Oo Abaal Marin Gudoonsiiyay Super Star Jackie Chan (Sheeko Kaa Qarsoon Sawiro+Video)

 

Akshay Kumar 90kii iyo bilawgii qarnigaan waxaa loogu yeeri jiray Jackie Chan-ka Hindiya sababto ah waxuu caan ku ahaa sameynta ficilada halista ah qaasatan kuwa uu Jackie Chan sameyn jiray.

Jackie Chan waa Super Star magac iyo maqaam sare ku leh daafaha caalamka loogana hara sameynta ficiladaha halista ah, hadaba xidigahan waligaa ma isku aragtay ayagoo isla sawiran ama isla fadhiyaan muuqaal ahaan ma u aragtay?

Hadii aadan arag hada ayaad arkeysaa, Akshay kumar iyo Jackie Chan wax badan ayee kulmeen mana la tirin karo Jackie waxuu kamid noqday Akshay xidigaha uu caalamka ka taagero waana shaqsiga uu dhanka dagaalka kaga daydo.

bilawgii qarnigan qaasatan sanadkii 2000 halkaas uu Akki masraxa kusoo bandhigay ficilo dagaal ah ayagoo ay la jiraan koox China ah sido kale Akki waxuu goobta ku amaana Jackie Chan isagoo u yeerayo.

Jackie ayaa masraxa soo koraayo misane u mahad celinaayo Akshay Kumar sido kalena amaan kala dul dhacaayo guud ahaan India.

Fadlan Halkaan Hoose Ka Daawo Video-ga Akshay Kumar iyo Jackie Chan: