Superstar Mithun Chakraborty wiilkiisa yar Namashi Chakraborty oo Bollywood-ka kusoo biirayo

Wiil kale oo kasoo jeedo qoys fanka Hindiya awood ku leh ayaa Bollywood-ka kusoo biirayo waana wiilka lagu magacaabo Namashi Chakraborty oo uu aabo u yahay Superstar Mithun Chakraborty waana arin la wada sugaayo inay si rasmi ah u hirgasho.

Superstar Mithun Chakraborty wiilkiisa curudka ah Mimoh ama Mahaakshay Chakraborty ayaa horey Bollywood-ka ugu soo biiray 12-sano ka hor balse wuu socon waayay wuxuuna noqday mid waayihiisa fanka Hindiya fadhiid noqdo sidoo kalena saaxada ka baxay.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Wiilka dhalinta yar Namashi Chakraborty ayaa diyaar u ah magaca aabihiis Mithun inuu horey usii dhaqaajiyo asigoo haatan soo dhameestay casharo iyo tababar dhanka filim jilista ah dhawaana waxaa si rasmi ah shaaca looga qaadi doonaa mashruuca kowaad uu Namashi kusoo caan baxaayo weliba Mithun Dada ayaa si adag masuuliyada soo caan bixinta Namashi u qaatay madaama uu horey wiilkiisa curudka ah Mimoh garab istaagi waayay asigoo kusoo daayay Bollywood-ka una sheegay inuusan magaca aabihiis dadka shaqo ku weydiisanin ee kartidiisa ku socdo weyna shaqeesan weesay fikradaas.

Mithun sanadkii hore ayuu wiilkiisa Mimoh Chakraborty u aroosiyay oo filim jilista ku fashilmay sidoo kalena wuxuu haatan dib ugu soo laabtay Mumbai asigoo kasoo kabtay qaliin dhanka dhabarka looga sameeyay mudo bilooyiin ah ahna magaalada Los Angeles ee dalka Mareekanka ayuu arimo caafimaad iyo nasiino u joogay.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.